Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo ka tacisyeysay dadkii ku geeriyooday daadadka Liibiya

Muqdisho (Dawan)– Dowladda Soomaaliya ayaa uga tacsiyeysay dowladda iyo shacabka Liibiya  dadkii ku geeriyooday  daadadkii ka dhasahy duufaanta ku dhufatay dalkaas.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxey si buuxda u garab  taagantahay dowladda aan walaalaha nahay ee Liibiya, kadib duufaantii ku dhufatay dalkaas ee sababatay dhimasho, dhaawac iyo khasaare hantiyadeed oo badan” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimah Dibadda Soomaaliya.

Baaanka ayaa intas ku daray “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelladdii iyo qaraabdii ku waayay dadkooda, waxaana Ilaah uga baryeyna dadka ku dhaacmay inuu siiyo caafimaad deg-deg ah”

Mas’uuliiinta Liibiya ayaa sheegay in dadka ku  geeriyooday daadadka ay  kor u dhaafeen laba kun oo qof, halka la weysanyahay dad ka badan tobon kun oo qof.

Af-hayeen u hadlay laamaha gurmadka ayaa sheegay inay jiraan xaafado dhan oo daadadku la simeen dhulka.

Dowladda Liibiya ayaa ka codsatay caalamka iyo dowladaha saaxikba la ah in ay lasoo gaaran gurmad deg-deg ah si loo badbaadiyo dadkii ku waxyeelloobay duufaantii ku dhufutay dalkaas.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Liibiya, Cabdulxamiid Dbeibah ayaa shir deg-deg ah isagu yeeeray hay’adaha kala duwan ee dalkas iyo mas’uuliyiinta magaalooyinka ay dhibaatadu ka dhacday, isago oo faray in la qaado tallaaoobyinka lagama maarmaanka ah ee lagu yaren karo khasaaraha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here