Saturday, July 27, 2024

Saameynta uu roobkii dayrta ku yeeshay beeralayda Degmada Qallaafe

Jig-jiga (Dawan)- Wax soo saarki Beeraha ee Degmada Qallaafe caanka ku ahayd ayaa hoos u dhac ballaaran ku yimid ka dib saameyntii uu ku reebay roobkii deyrta ee watay fatahaadahii xooganaa.

Wali kama aysan soo kabsan qasaarihii gaaray ee saameeyay nolsha dadka ku nool Degmada Qallaafe ee Gobolka Shabeele ee ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida Wshabeele.

Beeraleyda Qallaafe waxa ay si maalin la ah u suuq geyn jireen ay dalag dhan 7 gaari balse maanta waa laba gaari oo kaliya. Arriintaan ayaa saameyn xoogan ku yeelatay guud ahaan dhaqaalaha Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Dadka Deegaanka ayaa wali cabsi ka qaba in mar kale uu wabiga Degmada Qallaafe sameeyo faaahaad, iyada oo ay usii dheertahay welwel laga muujinyao dhanka caafimaadka ah iyo in ay Deegaanka ka dillaacan cudurada qaar.

Cali Cabdi Jire oo ka tirsan odayaashaa Deegaanka waxa uu baaq u diray dhammaan hay’adaha samafalka, ganacsatada iyo Dowladda si loola soo gaaro gargaar isagu jira dawo, cunto iyo agabyada kale ee asaasiga u ah nolosha aadanaha.

Cabdi waxa uu sidoo kale ku baaqay in la sameeyo biya xireeno si looga hortago fatahaada kusoo wajahan dadka ku nool dhulka hoose.

In ka badan 5 kun oo hectare oo oo la filayay in ay sannadkaan kasoo go’do Basal ayay fatahaado baajiyeen, waxaana ka dhashay hoos u dhac dhanka wax soo saarka Beeraha ah taas oo saameyn ku yeealaty nolosha dadka iyo dhaqaalaha Dowlad Deegaanka.

Yaasiin Cali Xueen oo ah Duq Dowladda Hoose ee Qallaafe , waxa uu warbaahinta u sheegay in fatahaadihii ka dhashay roobabkii dayrta ay saameeyn ku yeesheen dadka Deegaanka oo isagu jira Beeraleyda iyo Xoolaleyda kuwaas oo maanta la daalla dhacaya maareynta noloshooda.

Qallaafe mar waxa ay ahyd mid ka mid ah Degmooyinka ugu wax soo saarka badan Dowlad Deegaanka balse maanta waxa ay ku sugantahay xaalad ka duwan sidii hore, iyada oo ay Beeraleydi iyo Xoolaleydiba wada sheegayaan in ay jirto nolol adag.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here