Saturday, July 27, 2024

Kenya: Qarax ka dhashay booyad shidaal oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Nairobi (Dawan)- Waxaa lagu soo warramayaa in saddex qof ay dhinteen halka in ka badan 270 kale ay dhaawacyo soo gareen ka dib markii ay qarxayday booyad shidaal oo ku sugneed aaga Mradi ee xaafadda Embakasi ee Magaalada Nairobi.


Qaraxa booyadda shidaal ayaa dhacay xalay abaara 11-kii haeenimo.

Afhayeenka Dowladda Keny, Isxaaq Mwaura ayaa sheegay in seddexda qof ay dhinteen iyagoo lagu daweynayo isbitaalka Nairobi West Hospital.

Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka qaran ee Kenyatta iyo isbitaallada kala ah Mama Lucy, Modern Komarock iyo Nairobi West Hospital.

160 ka mid dadka dhaawacmay ayaa lagu daweeyay isbitaalka Mama Lucy Hospital, sida uu sheegay Isxaaq Mwaura.

Dab ka dhashay qaraxa booyadda ayaa si fudud ku baahay, waxa uuna dhibaato u geystay goobo ganacsi iyo guryo deegaan ah oo ka dhawaa aagga.

Shaqaalaha dab demiska ayaa xilli dambe ku guuleystay in ay demiyaan dabka, waxaana hadda socda baaritaan la xiriira khasaaraha ka dhashay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here