Saturday, July 27, 2024

Jig-jiga oo marti gelisay shirwaynaha dhallinyarada

Jig-jiga (Dawan)- Magaalada jig-jiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa markii 2-aad martigelisay shirwaynaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shirka dhallinyarada Soomaaliyeed (Somali youth summit) oo lagaga hadlayo arrimaha shaqada iyo xirfadaha ayaa ka qabsoomay madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan. Kulankan waxaa ka qayb’galay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, mudane Mustafe Muxummed Cumar, mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale.

Shirkaan oo ay isugu yimaadeen boqollaal dhallinyaro oo qaarkood kakala yimid dacallada dunidda oo isugu jira;Qalinley, aqoonyahan iyo hal-abuurayaal, iyaga oo kawada dooday sidii dhallinyradu uga qeyb qaadaan lahayd horumarinta qeybaha kala duwan ee bulshada iyo sidii loo heli lahaa jiil dhallinyaro ah oo maskax iyo aqoon ahaanba dhisan.

Kulankan oo markii labaad ay marti-gelisay caasimadda deegaanka ee magaalada Jigjiga ayaa socon doona muddo seddex cisho ah, waxaana si qoto dheer looga doodi doonaa ahmiyada ay leeyihiin shaqada iyo xirfaduhu.

Xukuumada deegaanka Soomalida waxay isbedelkii kadib fiiro-gaar ah siisay sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ugu faa’iideysan lahaayeen fursadaha kala duwan ee dhinaca xirfadaha iyo shaqo abuurka ee kajira deegaanka iyo guud ahaan dalka Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here