Saturday, July 27, 2024

Jadwalka kulamada Soomaaliya ee tartanka Cecafa U-15

Muqdisho (Dawan)- Xulka qaranka Soomaaliya ee ka yar 15 (U-15) ayaa saanadkaan ka qeyb gelaya cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika ee ka dhacaya dalka Uganda.

Wareegga hore ee tartanka waxaa xulka Soomaaliya ay la cayaari doonaa xulalka ay iskula jiraan group ka B waxaana kulamadu ay u dhacayaan, sida soo socota:

Axad 5-ta bisha November Soomaaliya waxay la cayaari doontaa dalka Tanzania.

Kulanka labaad waxaa xulka Soomaaliya ay iska hor imaan donaan dhiggooda Zanzibar 8-da bisha.

Kulanka ugu dambeeya wareega hore waxa uu dhex mari doono Soomaaliya iyo Rwanda 11-ka bisha November.

Group A waxaa iyaguna wada ciyaari doona Uganda, Ethiopia, Jabuuti, iyo Koonfurta Suudaan.

Sannadkii 2019-kii xulka Soomaaliya ee U-15 waxay ka qeyb galeen ciyaarihii Cecafa ee ka dhacay Eritrea halkaas oo Soomaaliya ay noqotay kooxdii ugu wanaagsanayd tartanka oo dhan waxaana cayaartoydii tartankaas lagusoo saaray ay suura geliyeen in 2022-kii ay qaadaan koobkii Cecafa U-17 ee ka dhacay Itoobiya taaaso noqotay markii ugu horeysay ee Soomaaliya ay koobkaas qaado.

Heerka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kor usoo kacay sannadihii ugu dambeeyay, iyada oo shacabka Soomaaliyeed u wada riyaaqay guushii ay xulka 17-da Soomaaliya kasoo hooyeen tartamadii ugu dambeeyay ee ay ka qeyb galeen iyo qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ayaa billaabay in ay ku qancaan metelaadda Soomaaliya taas oo markii hore aad u cusleed iyada oo loo sababeynayo isbeddelka ka dhacay kubadda cagta iyo guud ahaan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here