Monday, May 20, 2024

Jig-jiga: Booliska oo soo xiray nin ku eedeysan kufsiga iyo dilka gabar yar

Jig-jiga (Dawan)- Magaalada Jig-jiga ee xarunta u ah Dowlad Deegaanka Soomaalida ee  Itoobiya, waxaa Isniintii lagu dilay gabar 11 jir ah kadib markii kufsi loo geystay.

Taliayaha Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida, Cabdi Cali Siyaad ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in gacanta lagu soo dhigay mid ka mid ah ragga loo heysto inay ka danbeeyeen falkaas.

“Dhacdad ka dhacday magaalada Jigjiga, waxaa ka dambeeyay afar nin.  Baaritaano aan sameeynay kadib, waxaan soo qabanay mid ka mid ah, waana ku daba joogna saddexda kale” ayuu yiri taliyaha Booliska.

Taliayaha ayaa tacsi u diray qoyska ay gabadhu ka geeriyootay, wuxuuna ugu baaqay dadweynaha inay ka war sugaan dhameystirka baaritaaanada Booliska.

Taliayaha ayaa faray laamaha amniga inay si deg deg ah u sameeyaan baaritaan sax ah si caddaaladda loo hor keeno shaksiyaadkii falka geystay.

Sannadihii u dambeeyay, waxaa soo badanayay kufsiga lagula kaco gabdhaha yaryar, waxaana dhacda mararka qaar in lagu xalliyo qaab dhaqameed iyo xeer beeleed, taas oo dhibaato weyn ku reebta dhibbanayaalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here