Saturday, July 27, 2024

Taliyihii Nabadsugidda ee Doolow oo la dilay

Gedo (Dawan)- Taliyihii Ha’yadda Nabadsugidda iyo Sirdoona Qaranka u qaabilsanaa magaalada Doolow ee gobolka Gedo, Ibraahim Hilwole Xuseen ayaa  lagu  dilay  maanta magaaladaas.

Wararka hor dhaca ah ee aan heleyno ayaa sheegaya in dilkiisa loosoo qabtay haweeney lagu sheegay inay tahay xaaskiisa oo qolka lagu dilay kaligeed kula jirtay.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu socdo baaritaan kadibna wixii kasoo baxa lala wadaagi doono dadweynaha.

Ha’yadda Nabadsugidda iyo Sirdoona Qaranka ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin dilka taliayaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here