Saturday, July 27, 2024

Jig-jiga: Ganacsato soo bandhigtay hal abuurkooda iyo fursadaha jira

Jig-jiga (Dawan)- Magaalada Jig-jiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida, waxaa si rasmi ah uga billaawday carwo bandhigeedka heer qaran ee xuska 18-aad ee maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta Itoobiya.

Qaar ka mid ah dadkii ku hanti beelay dabkii Suuqa Taywaanka ayaa fursad u helay in munaasabadda kusoo bandhigaan hal abuurkooda ganacsi.

Carwadaan oo qeyb ka ah xuska 18-aad ee maalinta qowmiyahada iyo shucuubta Itoobiya ayaa lagu soo badhigi doonaa wax-soo-saarka kala duwan ee qowmiyadaha iyo shucuubta dalkaas iyada oo ay noqon doonto fursad ay isku dhexgalaan qowmiyaha kala duwan ee ka soo qeyb gelaya xuska maalinta qowmiyadaha .

Daahfurka munaasabadan waxaa kasoo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka dowlad deegaanka Soomaalida, Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha, Af-hayeenka Golaha Baarlamaanka DDS, Ganacsato, Marti sharaf iyo ergooyinka kala duwan ee ka qayb gelaaya xuska 18-aad ee maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta Itoobiya.

Madaxweyne ku-xigeenka, Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa sheegay in ujeeddada ugu muhiimsan ee carwadaan ay tahay in la dhiirri-geliyo  wax soo saarka iyo dhaqaalaha, iyada oo ay ganacsataduna fursad u helayaan in ay isbartaan kana wada hadlaan dhinacyada ay iska kaashan karaan.

Xuska 18-aad ee maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta Itoobiya  ayaa sannadkaan loo xusi doonaa si ka duwan xusaskii hore iyada oo muddo 5 cisho ah la xusi doonto laga bilaabo 25-ta bisha Hidaar ilaa 29-ka, una dhiganta 5-ta ilaa 9-ka bishaan December.

Xuska maalinta qawmiyadaha oo soo bilaawday 8-dii December 2006 ayaa laga xusaa guud ahaan dala Itoobiya sannad walbo xiligaan oo kale iyada oo sannadkaan ay fursad u heshay magaalada Jig-jiga in ay marti geliso ergooyinka kasoo qeyb gelaya.

Xuska maalintaan ayaa loogu tala galay in lagu xoojiyo isdhex galka iyo midnimada qowmiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Itoobiya, kuwaas oo leh dhaqamo, diimo, luqado iyo soyaal taariikeed oo kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here