Saturday, July 27, 2024

Ciidamada Nigeria oo raaligelin ka bixiyay duqeyn ay ku dileen dad rayid ah

Abuja (Dawan)- Taliyaha ciidamada dhulka ee Nigeria, Tarade Lagbaja, ayaa raaligelin ka bixiyay duqeyn ay diyaaradaha ciidamada dalkaas ka geysteen tuulo ku taal gobolka Kaduna kadibna ay si qalad ah ku dileen 85 qof oo rayid ah, maalmo ka hor.

Taliyaha oo booqday tuulada ay ka dhacday duqeynta ayaa ku tilmaamay dhacdadaas mid nasiib darro ah oo xanuun badan, waxa uuna ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday duqeynta

Lagbaja oo cafsi weydsiistay qoysaskii dhibaatadu soo gaartay ayaa ballan qaaday in ay ka taxadarayaan sidii aysan usoo laaban lahayn fal nuucaan oo kale ah oo ay ciidamdu ku kacaan.

Hay’adda Maareynta Xaaladaha Deg-degga ah ee Nigeria ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “85 mayd la aasay illaa iyo hadda, welina ay baaritaanno ka socdaan goobta.”

Mallam Jamalu oo ka mid ah mas’uuliyiinta tuuladaas ayaa wakaaladda Anadolu u sheegay in dadka dhintay ay u badnaayeen haween iyo caruur, isaga oo intaas raaciyay in tirada dhaawaca ay kor u dhaaftay 50 qof.

Dhanka kale, barasaabka gobolka Kaduna Oba Sani ayaa sheegay in duqeynta tuuladaas ay ahayd “wax laga naxo,” wuxuuna dalbaday in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo dhacdada.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Kaduna ee Amniga Gudaha, Samuel Aruwan, ayaa caddeeyay in ciidamada cirka ay duqeeyeen si qaldan loo fuliyay ka geysteen tuulada intii lagu guda jiray hawlgal joogto ah oo ka dhan ah argagixisada gobolka.

Nigeria ayaa dhawaanahaan wajaheysay weeraro ay geysanayaan kooxo hubeysan iyo sidoo kale ururo argagixiso sida Boko Haram iyo ISWAP oo ka dhacay meelo kala duwan oo dalkaas ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here