Wednesday, December 4, 2024

Jubaland oo soo saartay awaamir lagu sugayo amniga doorashooyinka

Kismaayo (Dawan)- Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa soo saartay amaro cusub oo lagu adkeynayo nabadgelyada doorashooyinka soo socda, iyada oo digniin culus loo diray dhammaan ciidamada iyo daneeyayaasha siyaasadda gobolka.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Amniga Jubaland, oo uu ku saxiixnaa Wasiir Ku-xigeenka ahna Kusimaha Wasiirka Amniga Jubaland, Gen. Aadan Axmed Xaaji, ayaa lagu cadeeyay qodobbada loogu talagalay sugidda amniga doorashada iyo xakameynta falalka amni-darrada.

Amarka cusub ayaa faraya dhammaan ciidamada qalabka sida ee Jubaland inay galaan heegan buuxa si ay u sugaan amniga deegaannada oo dhan. Ciidamada waxaa sidoo kale laga mamnuucay inay ku milmaan arrimaha siyaasadda, iyaga oo lagu amray inay ku ekaadaan xeryahooda iyo goobaha shaqo si loo ilaaliyo dhexdhexaadnimada ciidamada.

Sida ku cad amarka, askari kasta oo hubeysan oo aan waajib shaqo ku jirin waxaa laga mamnuucay inuu ku sugnaado goobaha doorashada, si looga hortago qalalaase iyo cabsi ku timaada dadweynaha. Musharrixiinta iyo daneeyayaasha ka qeyb galaya doorashada ayaa la faray inay amaankooda la kaashadaan booliska, iyaga oo lagu wargeliyay in ay xiriir la sameeyaan taliska booliska Jubaland si loo xaqiijiyo badqabkooda.

Wasaaradda Amniga ayaa sidoo kale mamnuucday in la abuuro ciidamo beeleedyo ama kooxo hubeysan oo khatar gelin kara amniga doorashada, si looga hortago isku dhac beeleed iyo khataraha kale ee nabadgelyo. Jubbaland ayaa digniin u dirtay cid kasta oo ka qeyb qaadata falal argagixiso ama amni-darro, iyadoo ballanqaaday in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Amarkan cusub ayaa ku soo beegmaya iyadoo Jubaland ay  bishii hore ay shaacisay inay doorashooyinkeeda gooni u qabsan doonto, taas oo la filayo inay ka dhacdo deegaannada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here