Saturday, July 27, 2024

Itoobiya oo lagu baaqay in ay xabsiga kasii dayso siyaasiyiinta mucaaradka ah

Addis Ababa (Dawan)- Hay’adda Amnesty International ee u ololeysa arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedaysay Dowladda Itoobiya inay sii dheereysay isticmaalka sharciga xaaladda deg-degga ah ee saaran Gobolka Amxaarada, si ay u aamusiso mucaaradka.

Hay’addu waxa ay walaac xoogan ka muujisay siyaasiyiin caan ah iyo suxufiyiin la xiray kadib marki ay dhalleeceeyn Maamulka Itoobiya.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda oo warbixin cusub kasoo saartay xaaladda Itoobiya ayaa tiri, “Waa in ay Itoobiya joojiso ku dhaqanka hannaanka duugga ah ee lagu diidayo xuquuqaha aas-aasiga ah iyada oo marmarsiinyo laga dhiganeysa xaalad deg-deg ah”.

2-dii February, Golaha Baarlamanka Itoobiya ayaa u codeeyay in la kordhiyo xaaladda deg-degga ah ee saaran Gobolka Amxaarada lix bilood oo dheeraad ah.

Kordhinta xukunka deg-degga ah ayaa waxaa soo jeediyay Wasiirka Caddaaladda, Gedion Timoteyos waxayna ku soo beegantay iyadoo Gobolka uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Maamul Goboleedka oo dhinac ah iyo kooxda Fano oo dhinac ah.

“Itoobiya waxay wajahaysaa colaad kale oo ka qaraxda Gobolka Amxaarada, dhibaato bini’aadantinimo oo ka taagan Gobolka Tigray-ga, xaalad amni xumo oo ka jirta Gobolka Oromiya iyo isla xisaabtan la’aan baahsan oo dalka oo dhan ah” ayuu yiri, Tigere Chagutah, Agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay soo rogtay lix bilood oo bandow ah bishii August 2023, waxayna sheegtay in go’aanku muhiim u yahay hirgelinta tallaabooyinka deg-degga ah ee looga golleeyahay ilaalinta nabadda, amniga dadweynaha, ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta.

Waayadii ugu dambeysay waxaa ka jiray Gobolka Amxaarada xasilooni daro ka billaabatay banaanbaxyo waaweyn oo ka dhacay dhowr magaalo kuwaas oo looga soo horjeeday go’aankii Dowladda Dhexe ee ahaa in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada gaarka ah ee Gobolka.

Mudaaharaadyada ayaa si deg-deg ah isagu beddelay isku dhacyo baahsan iyo xasillooni darro ay ka dhalatay in la dilay 27-kii April madaxii Xisbiga xukuma Itoobiya ee Gobolka, Girma Yeshitila.

Dagaalka ka dhacay Gobolka oo ahaa mid xoogan, waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah oo ku sugnaa qeybo ka mid ah Gobolka.

Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabtay shan siyaasi oo caan ah iyo saddex wariye, iyada oo aan weli loo gudbin Hay’adaha Garsoorka dalka, sida ay sheegeen qaar ka mid ah qoysaskooda oo la hadlay Hay’adda Amnesty International.

Dadka la xiray, waxaa ka mid ah Christian Tadelle oo ah Xildhibaan Mucaarad ah iyo Yohannes Buayalew oo ka tirsan Golaha Deegaanka Amxaarada.

Inta aan la xirin labadooda, waxaa kasii horeeyay oo ay ciidamada Itoobiya soo qabteen Desalegn Chane, oo ah xubin ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee Baarlamaanka Federaalka, sidoo kalena caan ku ah dhalleeceynta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here