Saturday, July 27, 2024

Kenya: Dad ay Soomaali ku jiraan oo loo soo qabtay isticmaalka Shiishadda

Nairobi (Dawan)- Laamaha la dagaalanka maandooriyaha Kenya ayaa habeenkii Jimcaha soo xiray 25 qof oo ay u badanyihiin Soomaali kuwaas oo lagu eedeeyay in ay istimaalayeen Shishad

Dadkaan ayaa laga soo qabaty goob lagu cabo Shiishadda oo ku taal xaafadda Kilimani ee Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Taliyaha hoggaaminayay howlgalka lagu soo qabtay 25-ka qof oo lagu magacaabo, Anthony Omerikwa ayaa Warbaahinta u sheegay in dadkaan loo sii gudbi doono Maxkmad Maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Anthony Omerikwa ayaa intaas ku daray in ay sii wadi doonaan howlgallada looga hortegayo Shishadda iyo maandooriyaha kale, isaga oo yiri ” Kooxdeena iyo iyo hay’adaha kale ee kala duwan waxa ay sii wadi doonaan baaritaannada si aan u gaarno goobta ugu dambeysa. Waxaan isku dayeynaa inaan ogaano in goobtaan ay tahay mid heysata shatiga ganacsiga”

December 2017 ayay ahayd markii Wassarada Caafimaadka Kenya ay soo saartay amar dalka looga mamnuucay isticmaalka Shiishadda, iyada oo sheegtay in ay waddada usii fureyso isticmaalka maandooriya kale oo dhibaato u keeni kara dadka iyo dalka.

Go’aanka lagu mamnuucay Shiishadda ayaa isagu jiray inaan la isticmaali karin, lagala soo degi karin garoomada Diyaraadaha, la xayeysiin karin sidoo kalena aan lagu dhax iibin karin gudaha Kenya.

Kenya aya noqotay dalkii afarad ee Bariga Afrika ee mamnuuca Shiishada kadib Dowladaha Uganda, Tanzania iyo Rwanda oo hore u qaatay go’aan lagu joojinayo isticmaalka Shiishadda

Dadka lagu helo isticmaalka Shiishadda ayaa la kulmi doona ganaax lacageed oo dhan 50,000 oo lacagta Kenya ah ama xabsi leh bilood ah .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here