Saturday, July 27, 2024

Diyaar garowga DDS ee maalinta Qoomiyadaha Itoobiya

Jig-jiga (Dawan)- Hogaanka Nabad-galiyada Dowlad Deegaanka Soomaalida, Dayib Axamad Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay diyaar garowga laamaha amniga ay sameeyeen ka hor xuska sannad guurada 18-aad ee maalinta Qoomiyadda Itoobiya oo sannadkaan lagu qaban doono magaalada Jig-jiga.

Munaasabadda ayaan sannadkaan waxaa halku dhig looga “kala duwanaanshaha iyo sinnaanta qoomiyaduhu waa aasaaska midnimada Qaranka”.

Magaalada Jig-jiga ee caasimadda dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa nasiib u yeelatay in ay toban sano kadib mar kale martigeliso xuska maalinta Qowmiyadaha dalka Itoobiya oo sannad walba la xuso .

Xuska maalintaan ayaa loogu tala galay in lagu xoojiyo isdhex galka iyo midnimada Qowmiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Itoobiya, kuwaas oo leh dhaqamo, diimo, luqado iyo soyaal taariikeed oo kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here