Saturday, July 27, 2024

Kenya oo lacag gaar ah u qorsheysay caawinta xoola dhaqatada

Nairobi (Dawan)- Dowlaada Kenya ayaa shaacisay in ay lacag gaar u qorsheysay dadka ay saameyntu kasoo gaartay fatahaadaha dalka ku dhuftay gaar ahaan dadka xoola dhaqatada ah.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua ayaa shaaciyay in dowladdu go’aamisay in dadka xoola dhaqatada ah ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha lagu caawiyo lacag dhan 451 milyan oo shilin.

Dhaqaalahaan ayaa loogu tala galay in gargaar bani aadantinimo loogu fidiyo dadka ay saameynta ka soo gaartay daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee El- Nino gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada lagu tilmaamo oomanaha ee ASALS.

Gachagua oo booqday ismaamullada Gaarisa iyo Tana River ayaa ballan qaaday in la dayac tirayo waddooyinka iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah ee ku burburay fatahaadaha, isaga oo sheegay in ugu yaraan hal bilyan oo shilin ayay dowladdu ugu tala gashay in dib loogu dhiso waddooyinka.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa sheegay in lacagta si gaar ah loogu taageeri doono qoysas gaaraya 119,178 oo ah kuwa dhibaatooyinka u nugul.

Ismaamulka Gaarissa waxaa ka faa’iideysan doona 7,199 qoys oo heli doona lacag dhan 58.3 milyan oo shilin, halka ay Ismaamulka Tana River ay ka faa’iidaysanayaan 5,985 oo qoys oo loogu talagalay 48,478,500 milyan oo shilin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here