Saturday, July 27, 2024

Congo: 19 qof oo ku dhintay weerar ay soo qaaday koox kasoo horjeeda Dowladda

Kinshasa (Dawan)- Ugu yaraan 19 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 27 kalena waa ay ku dhaawacmeen Khamiisti (shalay)- ka dib weerar madaafiic ah oo koox fallaago ah ay ku qaadeen Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Gaashaanle Dhexe, Ndjiki Kayko Guillaume oo u hadlay ciidanka Congo ayaa sheegay in kooxda “Dhaqdhaqaaqa 23-ka Maarso” ay 120 madfac ku garaaceen magaalada Mweso ee waqooyiga Gobolka Kivu.

Wuxuu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 19-qof oo shacab ah, ayna ku dhaawacmeen 27-qof oo kale.

Iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada xoogga dalka Congo iyo kooxda “Dhaqdhaqaaqa 23-ka Maarso” ayaa ka socda tuulooyin badan oo ka tirsan Gobollada Masisi iyo Rutshuru ee Waqooyiga Kivu.

Kooxda Dhaqdhaqaaqa “March 23” ayaa bilaawday kacdoonka ka dhanka ah Dowladda Congo sannadkii 2012-kii, waxayna ka taliyaan Waqooyiga Kivu oo dhowr jeer dagaal ku dhax maray ciidamada Congo iyo ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugnaa dalkaas.

Congo waa waddan ku yaal Bartamaha Afrika, dhul ahaan, waa dalka labaad ee ugu weyn Afrika iyo kan 11-aad ee ugu weyn adduunka, waxaana ka dagaalamaya in ka badan 120 kooxood oo hubeysan kuwaas oo sabab u noqday in ay barakacaan ku dhawaad ​​7 milyan oo qof. 

Inkasta uu dalku hodon ku yahay kheyraadka macdanta hadana 25% dadka oo ka badan 100 malyan waxaa soo food saartay cunto yari, qiyaastii 62% waxay ku nool yihiin wax ka yar hal dollar maalintii.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Felix Tshisekedi uu mar labaad ku guuleystay madaxtinimada dalkaas doorashooyinkii dhacay bishii December ee lasoo dhaafay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here