Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh oo safar aan hore loo shaacin ku tegay Baydhabo

Baydhabo (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku tegay magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed, safar aan hore loo sii shaacinin.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Baydhaba booqan doona deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed isagoo xoogga saaraya abaabulka howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab oo wajiga labaad laga fulin doono deegaannada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfurgalbeed ee mucaaradka ku ah Madaxweynaha mamaul goboleedkaas, Cabdicasiis Xasan Laftagreen ayaa dhowr ku booqday magaalada Dhuusamareeb Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo cabasho ka ah Laftagareen.

Mucaaradka iyo maamulka Koonfurgalbeed ayaa billaawgii sannadkaan ku heshiiyay in doorasho la qabto bisha January ee sannadka 2024, balse mucaaradka ayaa ku eedeynaya Laftagreen inuusan dooneyn inuu qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Halkaan hoose ka daawo, Moqwifka mucaaradka Koonfur Galbeed ay ka qabaan doorashada iyo xaaladda Maamulkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here