Saturday, July 27, 2024

ATMIS oo wareejisay Saldhigga Raaga-Ceelle

Sh/ Dhexe (Dawan)- Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa Arbacadii (shalay) ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Saldhigga Howlgalka ee Raaga-Ceelle, si loo dhameystiro qorshaha lagu dhimayo tirada ciidamada nabad ilaalinta ah ee jooga Soomaaliya.

“Wareejintan waxay ahayd in la sameeyo bishii hore, laakiin sida aad la wada socotaan, Dowladda Soomaaliya waxay codsatay in hakin farsamo lagu sameeyo bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ah, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrikana waa ku raacay ” ayuu yiri, Taliye Jean Bosco Sibondavyi.

Col. Jean Bosco, ayaa intaas ku daray in ciidamada ATMIS ee guutada 68-aad ay u wareegi doonaan howlgalka ka socda Maamul Goboleedyada kale si ay uga caawiyaan ciidamada xoogga Soomaaliya sugidda amniga iyo xasiloonida.

Saldhigga Raaga-Ceelle ayaa ku yaal Gobolka Shabellaha Dhexe, ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle, waxaana gacanta ku haayay Ciidamada ATMIS ee ka socda Burundi kuwaas oo mas’uul ka ahaa amniga deegaankaan.

“Wareejinta Saldhigaan waxay tillaabo muhiim ah u tahay ATMIS iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Marka aan mas’uuliyadda ku wareejinayno Ciidaanka Xoogga Soomaaliya, waxaan kalsooni ku qabnaa in ay awood u leeyihiin ilaalinta iyo difaaca nabadda iyo xuquuqda dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri, Taliyaha Ciidamada ATMIS ee Burundi, guutada 68-aad, Col. Jean Baptise Nahishakiye.

Taliyaha cusub ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya ee saldhigga Raaga-Ceelle, Iidow Cali Maxamed ayaa bogaadiyay shaqadii ay Ciidamada ATMIS ee Burundi qabteen inti ay joogeen deegaanka iyo sida ay uga qeyb qaateen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Maanta waxaan aad ugu faraxsanahay inaan Raaga-Ceelle kala wareegno ciidamada ATMIS. Waxaan ballan qaadeynaa inaan sugno nabadda iyo xasiloonida , iyadoo la hubinayo in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha ee dadka deegaanka,” ayuu yiri Taliye Iidow.

Munaasabadda wareejinta saldhigga, waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee qeybta qorsheynta kala guurka oo uu ugu horeeyo Santosh Koka oo qalab ay Qaramada Midoobay leedahay ku wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa bishii September bilaabay wajiga labaad ee dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya, iyadoo lagu wareejiyay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed Saldhigga Biyo-cadde ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle.

Saldhigga Biyo-Cadde oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana ay ka howl geli jireen ciidamada ATMIS ee Burundi ayaa ahaa mid istaraatiiji ah, maadaama uu ahaa furinta difaaca ee magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Dhimista Ciidamda ATMIS aya imaanaysa kadib Qaraarradii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay: 2628 (2022), 2670 (2022), iyo 2687 (2023), oo faraya ATMIS in ay ka soo saarto Soomaaliya laba kun oo askari marka la gaaro Juun 2023-ka iyo saddex kun oo kale dhamaadka Sebtembar 2023-ka

Wajigii kowaad ayaa Soomaaliya laga saaray 2,000 oo askari, iyada oo lix Saldhig lagu wareejiyay Ciidaanka Xoogga Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here