Saturday, July 27, 2024

Khilaafka doorashooyina Puntland oo cirka isku shareeray

Garoowe (Dawan)- Isimada Dhaqanka Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay shir ka lahaa khilaafka doorashooyinka ayaa ugu dambeyn war soo saaray.

Isimadu waxay ay sheegeen in ay kulmo la qaateen muxaafadka, mucaaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan si ay u ogaadaan qodobada lagu kala aragti duwanyahay.

Kadib xog uruurintooda waxay Isimadu soo saareen dhowr qodob oo ay ug muhiimsanyihiin:

  • In doorashada lagu qabto xilligeedi hore oo ku beegan 8 january 2024.
  • In xubanaha Baarlamaanka lagu soo xulo hannaani hore ee odayada, iyaguna ay sii doortaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
  • In Maamulka cusub ee lasoo doorto sii dhameystiro hannaanka doorashooyinka ay adagtahy in xilligaan la qabto.
  • Isimadu waxa ay ugu baaqeen ciidamada in aysan ku milmin loolaanka siyaasadda kana shaqeeyaan xasilinta iyo nabadda deegaanada Puntland.

Dhanka kale, War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntlanad ay ka jiraan Xisbiyo siyaasadeed kuwaas oo bulshada ku metela go’aanada masiiriga ah ee arrimaha doorashada iyo Guddi doorasho oo loo igmaday inuu qabto doorashooyinka

“Puntland waxaa ka go’an in ay dhegeysato talooyinka u hiilinya horumarka iyo ka miradhalinta hannaanka dimoquraadiga ah iyo doorashooyinka loo madlan yahay ee hal qof iyo hal cod” ayaa lagu yiri, qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Go’aanka Isimada Dhaqanka iyo Warka kasoo baxay maamulka Puntland ayaa muujinaya in aan weli la isku fahmin qaabka ay u dhaceyso doorashada soo socotada.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa hore usoo saaray in doorashada Madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo Baarlamaanka ba ay dhici doonaan 25 February ee sannadka 2024, shacabkana ay soo dooran doonaan.

Sidoo kale, guddiga ayaa caddeeyay in dib loo furay diiwaangelinta cod bixiyayaasha, iyada oo la billaabi doono December 2023.

Mucaaradka Puntland ayaa ka hor yimid jadwalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee muddo kordhinta loogu sameeyay maamulka jira, waxeyna ku eedeeyeen Madaxweynaha Puntland inuu xasiloni darro u horseedayo Maamul Goboleedka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here