Thursday, July 18, 2024

Khudbad-Sannadeedka Dastuuriga ah ee Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (Dawan)- Halkan ka aqriso Khudbad-Sannadeedka Dastuuriga ah ee Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ee uu ka horjeediyay Golaha Baarlamaanka 9-ka June 2024.

Shir-guddoonka Golaha Baarlamaanka JSL,

 Mudanayaasha Golaha Barlamaanka ee Sharafta Leh,

 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,

 Xeer Ilaaliyaha Guud

 Xubnaha Golaha Wasiirrada,

 Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida,

 Shacabka JSL meel kasta oo ay joogaan,

Dhammaantiin, SCWW.

Mudaneyaal & Marwooyin,

Halgan dheer ka dib oo ka bilaabmay cadhadii ka dhalatay Dawladdii lagu midoobay 1960 magacaabiddeedii. Halgankaa oo loo huray naf iyo maal. Halgankaasi waxa uu soo maray marxalado kala duwan.

Waxa ku dhintay kummanaan muwaadin oo reer Somaliland ah, waxa la burburiyey magaalooyinkii iyo wixii ay hanti dhaqanayeen intii ay soo jireen. Dagaalkaasi waxa uu ku soo geba-gaboobay 1991-kii markii ay Somaliland dib u xoraysay dalkeeda.

Muddadii 33-ka sanno ahayd ee dalkeena dib-loo-xoreeyey, Somaliland waxay soo martay marxalado dhawr ah oo mid walba waayaheeda lahayd, inta badanna waxay ahaayeen qaar aynu gaadhnay guulo waaweyn – sida Nabad-gelyo, Dawlad-dhis iyo in aan Caalamka ka helno qadarin.

Shan Madaxweyne ayaa xilka si nabad ah ula kala wareegay. Saddex Madaxweyne, Laba Gole Wakiillo iyo Saddex Gole Deegaan ayaa ku yimi codka shacabka ee hal qof iyo hal cod. Taas oo ku yar dalalka soo koraaya ee Dawladaha Qaaradda Afrika badankooda.

Somaliland hawsha intaa leeg ayey qabsatay, iyada oo Beesha Caalamku ka cago-jiidayso Ictiraafkii ay sharciyan iyo siyaasiyanba xaqa u lahayd. Sidoo kale, Dawladaha Afrika qaarkood iyo kuwa Dimuqraadiyadda dadka ugu baaqaa wali may garawsan Qaranimadeenna. Waxaanse hubaa in dhawaan bishu hortooda iman doonto.

Arrintaasi waxay ina tusaysaa siyaasadaha labada waji leh ee ay ku dhaqmayaan Dawladaha qaarkood. Taasina waa dhalliil ay leeyihiin kuwa Dimuqraadiyadda u doodaa.

Xukuumadihii KULMIYE ee kala dambeeyey ee shacabku doortay, waxa ay dadaal badan u galeen in ay fuliyaan barnaamijyaddii Xisbiga KULMIYE uu ummadda u soo bandhigay. Waxa Illaahay mahaddii ah, in ballan-qaadyadaa intoodii badnayd ay fuliyeen. Waxaynu taas ka arkaynaa Miisaaniyadda Qaranka halka ay ka soo qaadeen 2010-kii oo ahayd 285 Bilyan SL Shilling ah, waxayna soo gaadhsiiyeen 2.25 Tirilyan SL Shilling 2023-kii, taas oo ah in Miisaaniyadda Qaranka la kordhiyey 787%.

Taasina waxa ay ku timid aragti ku dhisan in mudnaanta la siiyo Qaran-dhiska, iyada oo xoogga la saarayo kor u qaadista dakhliga muwaadiniinta.

Muddada Xukuumaddu labaad ee KULMIYE xilka haysay, waxay dadaal dheer ku bixisay:

• Amniga gudaha iyo Difaaca Qaranka.

• Daganaanshaha Dhaqaalaha dalka, iyada oo la-la-dagaalamayo sicir bararka, la-ilaalinayo daganaanshaha suuqa sarrifka lacagaha iyo Dib-u-habaynta Nidaamka Maaliyadda Dalka.

• Tayaynta Nidaamka Dawladnimo (Good Governance) iyo Dib-u-habaynta Nidaamka shaqaalaha Dawladda (Shaqo-gelinta iyadoo karti iyo aqoon lagu qaadanayo).

• Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Kor-u-qaadista Adeegga Bulshada.

• Horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida: biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

• Tartan daah-furan oo loo siman yahay oo loo galo fursadaha shaqada, sida; Barnaamijka Shaqo-qaran oo tiir-dhexaad u ah shaqo-qorista.

• Kor-u-qaadidda xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo dadaallada aqoonsi raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

1. DHAQAALAHA:

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Sida aad la socotaan, koboca dhaqaaluhu wuxuu wax-ka-taraa horumarka dalka.

Xukuumaddan aan gadh-wadeenka ka ahay muddadii ay xilka haysay waxa ay hirgelisay inta badan jawigii ku habboonaa horumarinta dhaqaalaha iyo xeerarkii fududaynta Kobcinta Dhaqaalaha.

Waxaa kor loo qaaday kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo kobcinta hay’adaha wax-soo-saarka sida Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga iyo Macdanta.

Waxa jiray duruufo caalami ah iyo kuwo maxalli ah oo ay la kulantay Xukuumadda labaad ee KULMIYE. Waxaana ka mid ah: Xanuunkii Covid-19 oo caalamka oo dhan saameeyey. Natiijadii doorashada 2017-kii oo ay Xisbiyada Mucaaradka ah qaarkood ka keeneen muran madhalays ah.

Murankaas oo 6 sanno iyo badh soo jiitamayey, waxa uu saamayn taban ku yeeshay amniga iyo degannaanshaha dalka.

Waxa kale oo duruufaha taban ka mid ah Dagaallada Yukrayn iyo Gaza, oo labaduba dhaqaalaha caalamka oo dhan saameeyey.

Dhibaatadaas dhaqaale ee Caalamka ka dhacday in kasta oo ay inna saamaysay; haddana waxa ay Somaliland qayb ahaan kaga bad-baadday siyaasadda Xukuumaddu dhigatay, sida:

 Casriyeynta iyo horumarinta hannaanka dakhli-ururinta, kor-u-qaadista dakhliga cashuuraha barriga iyo hoos-u-dhigista ku tiirsanaanta dakhliga cashuuraha kastamada, dhisidda kalsoonida dadweynaha ee cashuur-bixinta, toosinta maamulka kharash-bixinta iyo daah-furnaanta isticmaalka Miisaaniyadda Qaranka.

 Waxa la dhaqan-galiyey Hab-raacyo Caalami ah oo xoojinaya isla-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda iyo Ilaalinta Hantida Qaranka, kuwaas oo lagu hagayo Nidaamka Xisaabaadka iyo Maamulka Maaliyadda.

 Hab-raacyadaa Caalamiga ah ee kordhinta isla-xisaabtanka iyo hagaajinta nidaamka maaliyadda Dalku waata keentay in Xukuumadihii kala dambeeyey ee Xisbiga KULMIYE ka dhashay ay Miisaaniyadda Qaranka gaadhsiiyaan halka ay maanta joogto.

Xukuumadda Labaad ee KULMIYE waxay kordhisay Miisaaniyadda Dawladda 63%

 Korodhka Miisaaniyadda Dawladdu waxa uu keenay in Dawladdu noqoto Loo-shaqeeyaha ugu weyn ee dalka, waxaana Dawladda u shaqeeya maanta shaqaale gaadhaya 26,917 shaqaale ah oo u badan dhallinyaro lagu qaatay aqoon, karti iyo tartanka daaha-furan ee Barnaamijka Shaqo Qaran.

 Xisbiga KULMIYE waxa uu talada dalka qabtay 2010-kii iyada oo Shaqaalaha Dawladda tiradoodu tahay 9,591 qof, waxaana la gaadhsiiyey sannadkii 2017-kii 14,854 oo shaqaale ah, taas oo ka dhigan korodh ah 55%. Intii u dhaxaysay 2017-kii ilaa 2023-ka waxa shaqaalaha Dawladda la gaadhsiiyey 26,917 qof, una dhiganta korodh dhan 81%, taas oo ka dhigan in guud ahaan intii KULMIYE xilka hayey shaqaalaha Dawladda la kordhiyey 17,326 shaqaale ah, una dhiganta 181%.

Xukuumadda Labaad ee KULMIYE waxay kordhisay Shaqaalaha Dawladda 81 %.

 Waxa markii ugu horaysay la diyaariyey Xeerkii Xaq-siinta iyo Hawl-gabka Shaqaalaha Dawladda iyo 18 Hab-raac oo dhammaantood taageeraya daryeelka iyo horumarinta Shaqaalaha Dawladda.

 Iyada oo la tix-gelinayo muhiimadda Xeerarku u leeyihiin dhismaha iyo horumarka Qaranka, Xukuumaddu waxa ay curisay oo Golayaasha maray 47 Xeer 2017-kii ilaa 2023-kii. 1993-kii ilaa 2017-kii, tirada Xeerarka Xukuumad iyo Golayaalba la curiyey ee dhaqan-galka ahi waa 50 Xeer. Waxay taasi caddayn u tahay in Xukuumaddu dadaal galisay in dalkani noqdo dal ku dhisan Xeer iyo Sharci.

 Golaha Wakiillada ee hadda fadhiya muddada 3 sanno ah waxay curiyeen kaliya hal Xeer.

1.1. KAABAYAASHA DHAQAALAHA:

Kaabayaasha dhaqaaluhu waxa ay muhiim u yihiin koboca Dakhliga Qaranka, isku-socodka badeecadaha ganacsiga iyo dhiiri-galinta maal-gashiga, waxaanay ka qayb-qaataan in jawi ku habboon oo uu ku kobco dhaqaaluhu.

 Dekedda dhererkeedu imika waa 1,050 Meters Quay. Joogga Dekedduna 16 Mitir, taas oo ay ku soo xidhan karaan maraakiibta culus ee qaada 18,000 oo Kaytaynar oo dhererkoodu yahay 20 Feet.

 405 Dekadood oo Caalamka ah oo la qiimeeyey Dekedda Berbera waxa ay Tartanka Adeeg wac-naanta ka gashay Numberka 106-aad, waxay hormood u noqotay Dawladaha Saxaraha Affrika ka hooseeya. Tartankan waxa soo bandhigay Baanka Aduunka. Madaxda iyo Shaqaalaha Dekeddu waxay mudan yihiin amaan iyo boggaadin. 1,358 Shaqaale oo joogto ah ayaa Dekedda Ka Shaqeeya iyo 2,000 oo Shaqaale aan joogto ahayn, marka dhismaha dhismaha qaybta labaad ee Dekeddu dhammaadana waxa shaqo geli doonna intaas in leeg.

 Waxa la filayaa in dhawaan la bilaabo Wejiga Labaad ee dhismaha Dekedda Berbera oo dhan 600 Mitir, waxaanu bilaaban doonaa marka la saxeexo dhawaan Heshiiska Ganacsi ee Marinka Dhaqaalaha ee Berbera (Berbera Corridor).

 Hiigsigeenu waxa weeyi in dhererka Dekedda Berbera noqdo 1,600 Mitir, sannadkiina rogi karto 2 Million oo Koontayner.

 Wiishashka waaweyn ee Dekedda Berbera waxa hadda ku xidhan Saddex Wiish oo waaweyn (Cranes). Marka Wejiga Labaad ee 600 Mitir dhammaado, waxa lagu xidhi doonaa Dekedda 7 Wiish (Cranes) oo waaweyn oo cusub, tirada Wiishashka waaweyna waxa la gaadhsiin doonaa 10 Wiish.

 Waxa la dhammaystiray Aagga Cashuuraha Ka Caagan ee Berbera (Berbera Economic Zone), waxaana hadda ka diiwaan-gashay 33 Shirkadood.

Dhuumaha Shidaalka Berbera (Berbera Fuel Jetty)

 Waxa la dhammaystiray oo si buuxda u shaqeeya dhismaha dhuumaha shidaalka ee Berbera ee badda yaalla oo casri ah, kuwaas oo dhererkoodu dhan yahay 2,000 oo Mitir. Dhuumahan casriga ahi waxa ay suurtagalinayaan in maraakiibtu si sahlan ugu shubaan shidaalka Haamaha Shidaalka.

Dhuumaha Shidaalka waxa maal-gelisay Shirkadda Ardmore Capital Management. Maal-gelintaas kharashka ku baxay waxa Shirkadda dhistay u celinaysa Dawladda Somaliland.

Aasaaska Somaliland Airline.

Si loo bilaabo hawl-galka Somaliland Airline waxa loo baahan yahay in marka hore loo gogol-xaadho qaabkii ay ku hawl-geli lahayd, oo ah in la diyaariyo Farsamo-yaqaannadii (Engineers and Mechanics), Duuliyayaashii iyo inta la shaqaysa.

Maanta waxa Hargeysa yaalla 4 Diyaaradood oo ah kuwa tababarka duuliyayaasha. Diyaaradahaas waxa leh Somaliland. Waxa kale oo Hargeysa jooga Duuliyayaashii iyo Farsamo-yaqaanadii Ardayda ku tababari lahaa.

Tani waa talaabadii koowaad ee hir-gelinta qorshaha Somaliland Airline.

Waddooyinka:

 Waddada Ceerigaabo, Xukuumaddii KULMIYE ee Koowaad waxa ay dhistay 92 KM. Xukuumaddii Labaad ee Xisbiga KULMIYE-na waxa ay dhistay 182 KM. Sidaa darteed, waxa aan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa in Waddada Burco-Ceerigaabo oo dhan 274 KM ay dhammaatay marka laga reebo Saddex Biriish oo si dhakhso ah loo dhisi doono.

 Waxa sidoo kale dhammaaday dhismaha Waddada muhiimka ah ee Berbera-Wajaale Corridor oo dhan 250KM, oo ay ku jiraan 6 Biriish oo waaweyn iyo 6 Biriish oo Yaryar (Culvert) iyo 28 Biyo-mareen (Small Culvert).

Guud ahaan Waddada Berbera-Wajaale Corridor waxa la dhisay 248 KM, 22 KM waa waddada ka-wareegga Hargeysa (Hargeysa Bypass).

 Waxa la dhammaystiray dhismaha Waddada Burco-Sheikh 62 KM oo leh 4 Biriish oo shub ah oo la dhammaystiray.

 Waa la dhammaystiray dhismaha Waddada Hargeysa Bypass oo dhan 22KM, taas oo ka qaaday culays badan waddooyinka dhex-mara magaalada Hargeysa.

 Xukuumaddu isku gayn dalka oo dhan waxa ay dhistay 516KM oo Laami ah iyo 10 Biriish oo casri ah.

 Waxa sidoo kale la dhisay isku gayn 354 KM oo ah waddooyin Carro-tuul ah oo isku xidha magaalooyin badan oo Somaliland ah.

 Waxa la bilaabay Dasaaradda Farsamo (Feasibility study) ee dhismaha Waddada Hargeysa-Oodwene-Burco oo dhan 186KM, Waxaanan rajaynayaa in dhismuhuna ku xigi doono Insha Alla.

 Waxa dhammaaday Daraasadda Farsamo ee dhismaha Waddada Lawya-caddo-Fardaha-Boorama oo dhan 256KM oo laami ah, waxaana dhawaan la shaacin doonaa bilowga dhismaha waddadaas muhiimka u ah isku xidhka dalka, Xukuumad ahaanna aannu hore u ballan qaaday maalintaan xilka qabtay.

 Waxa iyana dhawaan la bilaabi doonaa Daraasadda Farsamo (Feasibility study) ee dhismaha Waddada Fardaha iyo Caasimadda Dalka ee Hargeysa.

 Waxa sidoo kale dhammaatay Daraasadda Farsamo ee dhismaha Waddada Maydh – Ceerigaabo oo dhan 78KM.

 Waxa la dhammaystiray Dhismaha Dhabbaha Madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo dhan 4 KM oo dherer ah, waxaana la ballaadhiyey ballaca madaarka oo ahaa 45M, waxaana la gaadhsiiyey 60M, kaas oo u adeegi doona dalalka Qaarada Afrika oo dhan.

 Waxa dhawaan la dhisi doonaa Terminal casri ah oo uu yeesho Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, kaas oo beddeli doona Terminal-kii hore. Terminal-kaa cusub waxa uu awood u yeelan doonaa in uu u adeego in ka badan 1 Milyan oo rakaab ah sannadkii.

Guud ahaan waddooyinka iyo biriishyada laga dhisay Dalka muddada Xukuumadda Labaad ee KULMIYE waxa ay ku cad yihiin jaan-tuskan:

T.S Waddo Laami ah Biriish Waddo Carro Tuul ah

516 KM 10 354 KM

Mashaariicda Qandaraasyada Qaranka:

 Duruuf kasta oo jirtay, muddadii Xukuumaddu xilka haysay waxa ay dadaal ku bixisay in mashaariicda horumarintu aanay marna hakad galin ee ay u socdaan si joogto ah.

 Tirada Qandaraasyada Qaranka ee laga maal-galiyay miisaaniyadda Qaranka 2018-2023 waa 438 Qandaraas, waxaana ku baxday lacag dhan 996.8 Bilyan SL Shillings.

Qiimaha Shillinka Somaliland:

 Iyada oo ay saamayn taban ku yeesheen Sarrifka Suuqyada Gobolka Geeska Afrika Covid-19, dagaalada Ukraine iyo Gaza.

 Haddana Xukuumaddu waxa ay ku guulaysatay in ay xasiliso qiimaha sarrifka Shilling-ka Somaliland iyo Doollarka ee Suuqyada Dalka, taas oo kalsooni iyo xasilooni galisay ganacsiga suuqyada dalka iyo maal-gashigaba.

Qiimaha lacageed ee guud ahaan Dhaqaalaha dalkeena (GDP) waxa lagu qiyaasaa $4 Bilyan oo Doollar. Miisaaniyadda Qaranka ee ay Dawladdu maamushaa waa $362 Milyan oo Doollar, taas oo ka dhigan in Dawladdu dhaqaalaha guud ee dalka ka maamusho 11% kaliya.

 Haddaba, suuqa xorta ah ee 89% dhaqaalaha dalka hayaa, waxa waajib ku ah in uu dhaqaalaha Dalka uu kor u soo qaado qaybta ugu badan, iyada oo la maal-gelinayo wershadaynta, qodista macdanaha, kalluumaysiga, xannaanada xoolaha, dhismaha kaabayaasha dalka, taas oo abuuri karta shaqo-gelinta da’yarta.

 Marka aynu ka qiyaas qaadano in Dhaqaalaha Guud ee Dalku yahay $4 Bilyan (GDP), $3.63 Bilyan ayaan ka qayb qaadan kara horumarinta dalka, waana dhaqaale ku jira gacanta dad kooban. Ilaa dhaqaalahaa intaa leegi ka qayb qaato horumarka dalka, qabyadeenu way jiraysaa, horumarkeenuna gaabis ayuu ahaanayaa.

 Dhaqaalahaa uu hayo suuqa xorta ah dhibaatooyinka uu abuurayo waxa ka mid ah in dhulka lagu kaydsado lacagta, halka lacagtaasi wareegi lahayd oo maal-geshi lagu samayn lahaa. Taasina waxa ay keentay in qofkii lacagta haystay uu dhul helo, qofkii aan lacag haysanna uu meel uu dago waayo.

 Arrintaasi waxa ay keeni kartaa in ay abuuranto dabaqado dhaqaale oo hodantinimadii iyo qaninimadii dalkeena ku koobaysa in yar, halka dadka badankoodu ay ku noolaan doonaan nolol adag iyo faqri, taas oo khatar ku ah nabad-gelyada dalkeena iyo wada-jirka ummaddeena.

 Sidaa darteed, iyada oo laga duulayo Dastuurka JSL, Qodobkiisa 11aad, oo ilaalinaya mabaadi’da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaarka loo leeyahay, waxaanu Xukuumad ahaan diyaarinay Siyaasad iyo Hab-raacyo hubinaya in nidaamkeenna dhaqaale aanu horseedin in barwaaqadu ku ururto dad tiro yar.

 Siyaasaddaa iyo Hab-raacyadaasi waxa ay sidoo kale hubinayaan in aanu ballaadhan farqiga dhaqaale iyo hodantinimo ee u dhaxeeya dadkeena miyi iyo magaalo, taas oo keenaysa in la xaqiijiyo in adeegyada bulshada iyo fursadaha dhaqaalaha ee dalkeena si caddaalad iyo sinnaan ah loo maamulo si waafaqsan Dastuurka iyo Diinteenna suuban.

1.2. WAX-SOO-SAARKA BEERAHA

 Beeruhu waxay kaga jiraan kaalinta labaad dhaqaalaha dalka marka laga yimaaddo Xoolaha oo ah kaalinta koowaad. Tirada dadka Somaliland 25% ayaa si toos ah ugu tiirsan wax-soo-saarka beeraha.

 Dhulka ku habboon wax beerista ee dalkeenna waxa lagu qiyaasaa ilaa 1.7 Milyan Hektor, hase yeeshee waxa hadda la beertaa kaliya dhul aan ka badnayn qiyaastii ilaa 500,000 Hector. Dhulka la beero ee dalkeena 90% waa beer roobaad wax-soo-saarkeedu ku xidhan yahay roobka.

 Cimillada dalkeenna awgeed, roobka aynu helno sannadkii waxa lagu qiyaasaa 200 MM dhinaca Xeebaha iyo 500 ilaa 600 MM dhinaca Oogada, taasina waxay qayb ka noqotay in beer-roobaadka dalkeenna wax-soo-saarkiisu yaraado, ku xidhnaado xilli-roobaadka iyo hadba qadarka roobka ah ee la helo sannadkii.

Haddaba, Xukuumaddu waxa ay tacab badan gelisay kor u qaadista wax-soo-saarka iyo horumarinta beeraha dalka, waxaana la qabtay hawlahan: muhiimka ah:

 Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Horumarinta Beeraha.

 Aasaaska iyo Hirgelinta Mac-hadka Cilmi-baadhista Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland oo wax badan ka tari doonta kordhinta aqoonta beeraha iyo farsamooyinka wax-soo-saarka iyo waraabka.

 Dhaqaalaynta Ciidda iyo la-dagaalanka carro-guurka iyo nabaad-guurka.

 Kor-u-qaadista aqoonta beeralayda iyo tijaabinta dalagyo cusub oo u adkaysan kara deegaankeenna iyo cimilladeenna.

 Qaybinta qalabka beeraha sida Cagafyo, waxaanay Xukuumaddu cagafyada beeraha siisay deegaanno ay mid ka yihiin: Beer, Gatiitalay, Qaloocato, Galooley, Beerato, Qoyta iyo Idhanka (Gabiley).

 Ka hor-tagga iyo daaweynta cudurrada iyo cayayaanka wax-yeeleeya dalagga beeraha.

 Si loola socdo xogta cimillada dalka Xukuumaddu waxa ay samaysay xarumo lagu kaydiyo saadaasha iyo xogta cimillada dalka oo gaadhaya 62 goobood.

2) ADEEGYADA BULSHADA:

2.1. WAXBARASHADA

Waxbarashadu waa tiir-dhexaadka horumarka kasta oo bulsho gaadho, waana iftiinka nolol kasta oo hiigsanaysa is-beddel wanaagsan oo togan, sidaa darteed, Xukuumaddu waxa ay siisay waxbarashada mudnaan gaar ah.

 Waxa kor loo qaaday Miisaaniyadda Waxbarashada Dalka 92.8% si loo kordhiyo tayada waxbarashada iyo tirada ardayda heli karta waxbarasho.

 Waxa la kordhiyey helitaanka Ardayda ee waxbarashada dalka (Access of Education). Tusaale, ardayda dhigata Dugsiyada Hoose/Dhexe ee dalku waxa ay ahayd 257,340 Arday sannadkii 2017-kii, waxaana la gaadhsiiyey 406,360 Arday sannadkii 2023-kii, waxaana kordhay 149,020 Arday oo u dhiganta korodh gaadhaya 58%.

 Ardayda dhigata Dugsiyada Sare oo tiradoodu ahayd 54,702 Arday sannadkii 2017-kii, waxaana la gaadhsiiyey 80,705 Arday sannadkii 2023-ka, waxaana kordhay 26,003 arday oo u dhiganta korodh gaadhaya 47%.

 Waxa la kordhiyey tirada Macallimiinta Dalka oo sannadkii 2017-kii ahayd 5,345 Macallin, waxaana la gaadhsiiyey 14,432 Macallin sannadkii 2023-ka, taas oo u dhiganta in tirada macallimiinta dalka la kordhiyey 9,087 Macallin una dhiganta 170%.

 Waxa la gaadhsiiyey tirada Dugsiyada Dalka 2,452 Dugsi sannadkii 2023-kii, halka ay 2017-kii ka ahayd 1,621 Dugsi, taas oo ah in dugsiyada waxbarashada dalka la kordhiyey 831 Dugsi ama 51%.

 Iyada oo la fulinayo siyaasadda ay Xukuumaddu qaadatay ee ah in arday kasta oo Reer Somaliland ahi helo buug (One Child: One Book Policy), waxa Ardayda Dugsiyada loo qaybiyey 1,524,700 Buug intii u dhaxaysay 2017-2023.

2.2 CAAFIMAADKA

Caafimaadka bulsho wuxuu ka mid yahay wax-yaabaha saameynta weyn ku leh horumarka dhaqaale ee dal. Bulsho caafimaad qabta ayaa wax qabsata, horumarna gaadha. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxa ay awoodda saartay kor-u-qaadista iyo hagaajinta adeegyada caafimaadka, kordhinta xirfadlayaasha caafimaadka, horumarinta nidaamka caafimaadka iyo kordhinta xarumaha kala duwan ee caafimaadka. Si taasi u hirgasho:

 Waxa la dhammaystiray, lana hirgeliyey Siyaasadda Guud ee Caafimaadka Qaranka (National Health Policy).

 Iyada oo laga shidaal qaadanayo waayo-aragnimaddii laga dhaxlay jawaabtii wanaagsanayd ee Qaranku ka bixiyey la-tacaalidda Xanuunkii Covid-19, taas oo adduunku innagu majeertay. Waxa la dhammaystiray Qorshaha U-diyaar-garowga iyo La-tacaalidda Aafooyinka Caafimaadka ee deg-degga ah (National Emergency Preparedness and Response Plan).

 Waxa miisaaniyadda caafimaadka dalka laga kordhiyey $7.3 Milyan Doollar, waxaana la gaadhsiiyey $19.5 Milyan Doollar intii u dhaxaysay 2017-2023, taas oo macnaheedu yahay in la kordhiyey miisaaniyadda caafimaadka dalka 167%.

Jaantuska 7: Korodhka Miisaaniyadda Caafimaadka

2017 2023 Korodh Boqoley

7.3 Milyan USD 19.5 Milyan USD 12.2 Milyan USD 167%

 Waxa intii u dhaxaysay 2017 ilaa 2023 adeegyo caafimaad loo fidiyey muwaadiniin dhan 8,063,910.

 Waxa xannuuno kala duwan laga tallaalay 714,825 caruur ah.

 Cisbitaallada Hargeysa, Borama iyo Burco waxa la dhigay Mishiinnada Kalyaha Sifeeya oo gaadhaya 32 Mishiin. Adeeggaa caafimaad ee Kalyo-sifayntu gabi ahaanba waa bilaash dalkeena, dhulka Soomaalidu dagto oo dhanna dalkeenaa ugu horeeyey.

 Waxa Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka (Ambulances) dalka oo ahaa 68 Gaadhi 2017-kii la gaadhsiiyey 129 Gaadhi, taas oo ah korodh gaadhaya 89.7%.

 Waxa la dhisay dhismayaal ah xarumo caafimaad oo gaadhaya 2,393 dhisme oo iskugu jira Cusbitaalo, MCH, Xarumo caafimaad Degmo iyo Xarumo caafimaad Gobol.

 Waxa kor loo qaaday tirada xirfadlayaasha caafimaadka dalka,

Tusaale ahaan: 2017-kii tirada xirfadlayaasha caafimaadka dalku waxay ahaayeen 1,702 xirfadle, waxaana la gaadhsiiyey 3,086 sannadkii 2023-ka, taas oo u dhiganta korodh gaadhaya 1,384 ama 81%.

2.3. BIYAHA

Biyuhu waxa ay halbowle u yihiin nolosha Bini-aadamka. Dalkeenu waa saxare xigeen oomane ah, qaybo badan oo dalkeenuna ma leh biyo ku filan sannadkii oo dhan, waxaanay nolosha dadka iyo xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tiirsan tahay biyaha roobka.

Xukuumaddii Koowaad ee KULMIYE waxay qodoy 2010 – 2017-kii:

 358 ah Ceelasha dhaadeer.

 563 ah Ceelasha gaagaaban.

 257 Barkadood.

Xukuumadda Labaad ee KULMIYE waxa ay qaadatay siyaasad ah in laga faa’iidaysto biyaha dhulka hoostiisa ku jira, lana qabto biyaha roobka ee badankiisu badda gala. Sidaa darteed muddadii u dhaxaysay 2017-kii ilaa 2023-ka:

 Waxa la qoday 208 ah Ceelasha dhaadeer.

 Waxa la qoday 74 ah Ceelasha gaagaaban.

 Waxa la qoday 135 Dhaam

 Waxa la qoday 85 Barkadood

 Waxa la dayactiray 317 Ceel.

Waxa mudnaan weyn la siiyey sidii Caasimadda Hargeysa u heli lahayd biyo ku filan oo ay muddo dheer baahi u qabtay.

 Sidaa darteed, waxa biyo-soo-saarka Geedeeble oo ahaa markii hore 6,500,000 Litir maalintii la gaadhsiiyey 18,500,000 litir maalintii, taas oo macnaheedu yahay haddii qofkiiba maalintii isticmaalo 15 litir la waraabin karo 1.2 Milyan qof oo Hargeysa ku nool.

 Waxa la dhammaystiray nidaamka biyo-qaybinta (Water Distribution System) magaalada Hargeysa si magaalada loo gaadhsiiyo biyaha la soo saaray, gaar ahaan xaafadaha cusub ee aanu ku jirin nidaamkii hore ee biyo-qaybinta magaaladu.

 Waxa hadda gacanta lagu hayaa dhaamka ugu weyn Somaliland oo dhererkiisu dhan yahay 658 Mitir, jooggiisuna yahay 10 Mitir oo qabanaya 1.1 Bilyan Litir oo biyo ah, kaas oo marka uu dhammaano keeni doona in ay yaraato ku tiirsanaantii badnayd ee ceelasha iyo biyaha dhulka hoostiisa ku jira.

3) DEEGAANKA IYO IS-BEDDELKA CIMILLADA

 Sida uu sheegay Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay bishii April 2023-ka, Soomaalida oo dhan Uumiga Hawada Sare u baxa ee sababa Is-beddelka Cimillada adduunka waxa ay ku biiriyaan 0.003% kaliya, haddana waxa ay ka mid yihiin dhibanayaasha ugu badan adduunka ee dhibaatada Is-beddelka Cimilladu soo gaadhay.

 Isbeddelka cimilladu waxa saamayn taban ku yeeshay Deegaanka iyo hab-nololeedkii bulshada, waxaanu keenay abaaro soo noq-noqda oo daba dheeraada, Daadad, cudurro dilaaca, nabaad-guur iyo nafaqo-darro baahsan.

 Is-beddelka Cimilladu waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee soo food saaray Somaliland Qarnigan 21-aad. Tusaale ahaan, dalkeena waxa ka dhacay abaaro soo noq-noqday iyo duufaano sida Duufaanta Sagar. Abaarahaasi waxa ay keeneen baad iyo biyo yaraan xoog leh, waxaanay sababeen in ku dhawaad 70% xoolaha Somaliland ay u le’daan abaarahaas.

 Is-beddelka Cimillada ee taban waxa uu sidoo kale ku kalifay xoolo-dhaqato iyo beeralay badan in ay u hayaamaan magaalooyinka.

 Hayaanka dhanka magaalooyinka ee dadka xoolo-dhaqatada iyo beeralayda ah ee tirada badan waxa ay ku keeneen magaalooyinka in ay soo baxaan dhibaatooyin tiro badan oo la socda magaaloobidda (Urbanisation) deg-degga ah. Tusaale ahaan, waxa dhacay isku dheeli-tir la’aan dhinaca adeegga bulshada ee magaaladda, sida: biyaha, caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka iyo bad-qabka bulshada.

 Is-beddelka Cimilladu wuxu keenay khilaaf iyo muran joogta ah oo ku salaysan baadka iyo biyaha.

Haddaba, si loo yareeyo is-beddelka cimillada, Xukuumaddu waxa ay qaaday tallaabooyinka soo socda:

 Waxa la sameeyey oo la hirgeliyey Siyaasadda Is-beddelka Cimillada, Xeerka Maaraynta Deegaanka, Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur-joogta.

 Waxa hadda gacanta lagu hayaa oo dhammaad ku dhaw Siyaasadda Deegaanka Badda.

 Waxa la sameeyey 43 Seero-daaqsimeed (Grazing Reserves) ay ka mid yihiin: Gumbaraha, Qool-caday, Dhamallada, Banka Qoryaale, Banka Unuf, Dila, Banka Aroori, Banka Tuuyo, Ban Cawl, Daad-madheedh iyo qaarkaloo badan.

 Waxa sidoo kale la sameeyey 8 Seero-Kaymeed ay ka mid yihiin: Libaaxley, Gacan-libaax, Debis, Wagar, Daallo, Calmadow, Jifada iyo Geedeeble.

 Intii ay jireen Xukuumadaha KULMIYE ee kala dambeeyey, waxa la abuuray 15 xarumood oo lagu tarmiyo dhirta, haddana ay diyaar ku yihiin dhir gaadhaysa 3 Milyan oo geed, halka sannadkii 2010 ay ahaayeen 3 Xarumood oo kaliya, taa oo ka dhigan korodh gaadhaya 400%.

 Waxa Cashuur-dhaaf 100% ah loo sameeyey dhammaan gaasta dabiiciga ah ee la shito, si loo bad-baadiyo dhirta iyo deegaanka dalkeena, taas oo yaraynaysa isticmaalka dhuxusha.

 Waxa la mamnuucay gabi ahaanba ka ganacsiga bacda oo waxyeelo badan u gaysta deegaanka.

4) AMNIGA

Waxa la filaayey markii uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa in adduunku noqdo mid xasiloon oo nabadgelyo badan oo horumar dhaqaale oo adduunka wada gaadha la helo.

Hase yeeshee, markii caalamka awooddiisu ku ururtay meel keliya waxa soo baxay dagaalo fara-badan oo ku salaysan isir (Identity), kuwo ku salaysan diin, iyo kuwo ku salaysan qoomiyado, kuwaas oo sababay dib-u-dhac dhaqaale oo adduunka ku baahay.

Tusaale ahaan, dagaalka Yukrayn waxa uu saamayn xoog leh ku yeeshay nolol-maalmeedka dad badan oo adduunka ku nool, waxaanu sababay cunno yari.

Waxa kale oo adduunku soo maray Qarnigan dagaalladii budh-cad badeed iyo arga-gixiso, kuwaas oo wax badan ka beddelay daganaanshihii iyo nabaddii Gobolka Geeska Afrika, Bariga-dhexe iyo inta badan Dalalka dhaca badhtamaha iyo Galbeed Afrika.

Colaadaha Bariga Dhexe waxa kale oo ay ku soo fideen oo saamayn laxaad leh ku yeesheen Badda Cas, oo ah marin muhiim u ah isku socodka ganacsiga adduunka, gaar ahaan ganacsiga Bariga iyo Galbeedka adduunka. Taasi waxa ay keentay in uu aad kor ugu kaco qiimaha Maraakiibtu ku qaado Kontaynarada iyo Caymiskooduba.

Arrintaasina waxa ay sababtay in qiimaha maceeshadda iyo shidaalkii adduunku uu aad kor ugu kaco, taas oo taabatay nolosha caadiga ah ee dalalka ay ka mid tahay Somaliland.

Haddaba, iyada oo lagu xisaabtamaya duruufaha iyo waayaha ku gadaaman Gobolka Geeska Afrika, Badda Cas iyo gaar ahaan Soomaalidu dhulka ay degto. Xukuumaddu iyada ka feejigan duruufahaa adag ee caalamiga ah waxay mudnaanta koowaad siisay difaaca xuduudaha iyo amniga gudaha dalkeenna, waxaanay ka dhigtay mudnaanta koowaad ee Miisaaniyadda.

Si loo helo sugnaanta amniga gudaha ee dalkeenna waxa lagama-maarmaan ah in la helo deganaansho siyaasadeed.

Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinku waxay leeyihiin xanaftooda. Doorashadii Madaxtooyada ee 2017-kii Xisbigii guulaystay uu dheeraa kii ku soo xigay Siddeetan Kun oo Cod (80,000), hase yeeshee Xisbigii laga helay Doorashada si dhab ah uguma qancin. Haddaba, Xisbigii laga helay wuxuu bilaabay talaabooyin dhawr ah oo hagardaamo ku ah geedi-socodka deganaanshaha siyaasadeed ee dalka.

Waxa kale oo uu bilaabay bulaan iyo sawaxan taban oo muddo soo jiitamaayey, taasi waxay sababtay in cadowga Somaliland isu-soo-bahaysto wax-yeelada qarannimadeenna.

Iyada oo Qaranku uu u midaysan yahay difaaca dalka ayaa waxa dhacday 11-kii Bishii August 2023-kii Shir-qoolkii Buurta Gacan-libaax ee lagu laayey Ciidankii Booliska, dhagartaas laga galay qaranku waxay ahayd mid ugub ku ah Somaliland. Qaranku dhagartaa kuwii gaystay Caddaalada ayuu horkeeni doonaa.

Arrintaasi waxay keentay in qayb ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Somaliland ay soo jeediyaan in la qabto doorashooyin isku sidkan.

Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay markay qiimaysay xaaladda gudaheenna waxay qaadatay inaga oo difaacii ku jirna in la qabto Doorashooyinkaas la soo jeediyey. Waa laba Arrimood oo culayskooda dhaqaale iyo bulsho leh.

 Hay’addaheenna amniga iyo difaaca qaranku waxay sugeen amniga gudaheenna iyaga oo bad iyo barriba ka hiray falal argagixiso.

 Dadka magaalooyinka sida xawliga ah ugu soo qulqulayaa waxay keenaan culaysyo dhaqaale, bulsho iyo kuwo amni. Tusaale ahaan:

– Dacwadaha soo galay Maxkamadaha 6-dii sano iyo badhkii waxa ay ahaayeen 147,000 ( boqol iyo todoba iyo afartan kun) oo Isugu jira dacwado Ciqaab, Madani iyo Fulin ah.

– Waxaa dhamaaday isla 6-daa sano iyo badhkaa 126000 ( boqol iyo Lix iyo labaatan kun) oo isugu jira dacwado Ciqaab, Madani iyo Fulin.Laga soo bilaabo sannadkii 2017-kii ilaa 2023-ka.

– Dalka waxa ka dhacay boqolaal kufsi ah iyo 469 Dil dhimasho ah, dhammaan dambiilayaashiina Ciidammada Amniga ayaa soo qabtay.

– Sannadkii 2023-kii waxa dalka ka dhacay 6,536 Shil Gaadiid. In kasta oo ay u badnaayeen shilal fudud, haddana waa tiro xooggan marka loo eego tirada baabuurta dalkeenna joogta.

Dhammaan tallaabooyinkaa lagu sugayo amniga iyo cadaaladda ummaddu waxa ay sii xoojiyeen in dalkeenu noqdo mid lagu majeerto nabad-gelyo buuxda iyo kala-dambayn amni. In dahabka iyo lacagaha adag ay wadhnaadaan suuqyada dalkeena xilliyada dambe ee habeenkii.

Guushaa waxa keenay Ciidammada Qalabka-sida ee kala duwan, Bahda Garsoorka iyo shacabka gobta ah ee dalkeena oo is-kaashaday.

Waxaan sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Ciidammada kala duwan ee JSL, qoysaskooda iyo caruurtooda, waxaanan leeyahay, waxaad tihiin Halyeeyo Qaranka u suntan, abaal weyna loogu hayo naf-hurista ay u sameeyaan Dadkooda iyo Dalkooda.

5) DOORASHOOYINKA

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Somaliland waxa lagu majeertaa Dimuqraadiyad iyo Doorashooyin xor iyo xalaal ah oo si nabad ah u dhaca, taasina waxa ay innooga baahan tahay dhammaystirka tiirarka aasaasiga u ah kobcinta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka hal qof iyo hal cod. Tiirarkaa aasaasiga ah waxa ka mid ah:

1. In Asxaabta Qaranka iyo Ururrada Siyaasaddu noqdaan hay’addo (Institutions) siyaasadeed oo nool oo ku dhisan sharci iyo in dhammaan muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland oo dhanna u siman yihiin, dhexdoodana ay ka muuqato dimuqraadiyad qaan-gaadh ah oo ku dhisan mabaa’di iyo siyaasado cad-cad oo qeexaya qorshaha ay dalka ku maamulayaan hadday guulaystaan.

2. In dhammaan dhaqaalaha Xisbigu uu yahay mid waafaqsan shuruucda dalka, waxaanna ka caagan in gacan shisheeye ay maal-maal-geliyo Xisbi Siyaasi ah ama urur siyaasi ah oo dhisan Somaliland. Waxa ay shuruucda dalku ka reebayaan in Xisbia ama Urur Siyaasadeed ka helo dhaqaale gacan shisheeye.

3. Xisbiyada iyo Ururrada waxa aynu u samaysannay in ay Bulshada ka koriyaan kala-qoqobka Qabaliga ah, si ummaddu isu-dhex-gasho, iyaga oo midaysanna dalkooda si wada-jir ah ugu horumariyaan.

 Doorashooyinku waxay leeyihiin bulaan iyo sawaxan, tartanka Xisbiyaduna wuxuu leeyahay doodo adag iyo xanaf siyaasadeed. Dal waliba inta uu leeyahay dulqaadka xanafta tartanka Doorashooyinka iyo bisaylka siyaasadeed ayuu ku gaadhaa dhinaca togan ee tartanka Doorashooyinka.

Tartanka Doorashooyinka waxaynu ka doonaynaa in aynu helno madax Codka Shacabku ka soo naqeeyeen tartamayaashii u ordaayey xilkaa.

 Doorashooyinka hadda innagu soo foolka leh sannadkan waxa isku diwaan-geliyey 1,227,048 muwaadin. Doorashooyinka Miisaaniyadda ku bixi doontaa waxay noqonaysaa lacag dhan $20,000,000, lacagtaasina waxay ka baxaysaa Miisaaniyadda Dawladda ee laga ururiyo cashuur-bixiyayaasha Dalka.

 Inaga marka la isku-qaybiyo inta isu-diiwaan-gelisay doorashooyinka iyo kharashka ku baxaya qofkii codeeyaaba waxa uu taagan $16.5, halka dhammaan dalalka Qaaradda Yurub iyo Maraykanka oo kharashka doorashooyinkoodu u dhaxeeyo $1-3 Doollar halkii qof ee coddeeye ahba.

 Arrintaasi waxay innooga baahan tahay Qaran ahaan in aan dib u qiimeyno nidaamka doorashooyinka iyo kharash bixinta, kana dhigno doorashooyinkeena kuwo kharash ahaanna jaban, wakhti ahaan kooban, nidaam ahaanna hufan.

 Dhammaan Axsaabta Qaranka iyo Ururadda Siyaasadda waxaan ugu baaqayaa in ay ku qaabilaan doorashooyinka niyad-samaan, una hogaansamaan shuruucda doorashooyinka.

6) IS-AF-GARADKA SOMALILAND IYO ITOOBIYA (MOU):

13-kii Bishii February 2012-kii ayey Somaliland ogolaatay in ay wada-hadal la gasho Soomaaliya, waxaanay muddadaa la gashay 10 shir. Dhammaan shirarkii wixii lagu heshiiyey midna kamay fulin Dawladihii Xamar ee kala dembeeyey.

Halkaa waxa ka cadaatay in Dawladihii Xamar ka talinayey aanay daacad ka ahayn xallinta dhibaatada dhexdooda taalla labada dal ee midoobay 1960-kii.

Dabcan, dadku aragtida wey ku kala duwanaan karaan, laakiin xaqiiqada taariikhda leh, ee shuruucda leh, ee rabitaanka shacbi leh lama duudsiyi karo.

Waxa noo cadaatay in Dawladda Xamar ka dhisani ay iska idho-tirayso in aanu nahay laba dal oo siman oo ku midoobay 1960-kii raadinta 5-tii Soomaaliyeed. Mar haddii ay xaqiiqadii diidan tahay Soomaaliya waxa hubaal ah in aanay faa’iido yeelanayn shirar dambe oo aanu isku-kugu nimaadnaa.

Sidaa darteed, waxaannu ka tashannay danta Somaliland, waxa lagama-maarmaan noqotay in la-raaco halka ay ku jirto danta Somaliland. Danta Somaliland waxay ku jirtaa Dawlad kasta oo ka garaabaysa Qaranimada Somaliland iyo Madax-bannaanideeda. Dal kasta oo ogol in ay Somaliland si siman wax-u-wada qabsadaan oo ay danno isu-weydaarsadaan iyo saaxiibtimo ku fadhida is-ixtiraam iyo is-qadarin.

Haddaba, Is-af-garadka Ethiopia iyo Somaliland dhex-maray 1-dii January waxa sal u ah qodobbada aan soo xusay ee ah sinnaan laba dal oo midna Aqoonsi helaayo, midna Saldhig Ciiidan Baddeed oo kiro ah helaayo. Nuxurka wax-wada-qabsigu waa horumarinta ganacsiga, iyada oo Dekedda Berbera u adeegi doonta Dadka iyo Dalka Ethiopia.

Ethiopia waa ta ugu dadka badan dalalka aan badda lahayn ee adduunka. Sidoo kale, waa dalka 7aad ee ugu dhulka weyn dhammaan dalalka aan badda lahayn ee adduunka.

Axdiga AU-ku waxa uu sheegaya in dalalka Africa ay dhammaan ku fadhiyaan xuduudihii isticmaarku ka tagay. Somaliland waa Dalka qudha ee leh xuduudo caalami ah oo ku fadhiya kuwii isticmaarka, isla markaana AU-ku ay ka cago-jiidayso aqoonsigeeda.

Halkaa waxa ka cad in labada dal ay is-weydaarsadeen danno waaweyn oo midna helayso aqoonsi Caalami ah, midna helayso Saldhig Ciidan Badeed iyo Adeegga Dekedda Berbera oo ah mid la isku hallayn karo.

7) SIYAASADDA ARRIMAHA DIBEDDA:

Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland waa Siyaasad dagan oo aan is-beddelin, oo ku dhisan mabdi’iyan Qorshe qeexan oo ah deris-wanaag, nabad-gelyo, iskaashi iyo wax-wada-qabsi dhex-mara dalalka Caalamka oo dhan, gaar ahaanna dalalka deriska, taas oo macnaheedu yahay Siyaasad Xasarad La’aan (Zero Conflict Policy).

Taas macnaheedu maaha in Jamhuuriyadda Somaliland ay gacmaha laabanayso haddii la diido deris-wanaagga iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha Dalalka Gobolka Geeska Afrika.

Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran jiraya oo haysta Shacab hal-adag oo qaatay qaraar adag oo ay ku hirgelinayaan madax-bannaanidooda muddo kasta oo ay qaadanayso. Shacabka Somaliland waa dad guda abaalka loo galo. Sidoo kale, abaalkiisa ka waraabiya cid kasta oo kula kacda daandaansi iyo colaad.

Xukuumaddan aan gadh-wadeenka u ahay waxay geed dheer iyo mid gaabanba u kortay aqoonsi-raadiska Somaliland. Waxaad wada xasuusan tihiin in aynu in badan safarro ku gaalaa bixinay Afrika si aynu u helno saaxiibo badan oo Afrika ah.

Waxa Tusaale ah markii aan tagay Guinea Conakry. Madaxweynihii markaa joogay waxa uu diyaar u ahaa Aqoonsiga Somaliland, waxaanay ka muuqatay soo-dhaweyntii heerka Madaxweyne ahayd ee uu u fidiyey weftigii aan hoggaaminayey, isla maalintaas ayey Soomaaliya xidhiidhka u jartay Guinea Conakry, waxaanna uu Madaxweynihii Soomaaliya ee wakhtigaasi uu qaylo ka dhex tolay Shirkii Midawgii Africa, isaga oo ku eedaynaya Madaxweynihii Guinea Conakry in uu jibiyey Xeerkii Midawga Afrika.

Haddana waxa ku xigtay Kiiniya, iyadana sidaa si la mid ah ayey Soomaaliya xidhiidhka ugu jartay markii aan safarka ku tagay, isla markaana ay qaylo iyo bulaan kula dhex-dhacday shirkii Afrika.

Xukuumadda aan hoggaanka u hayaa waxay safarro badan ugu baxday dalal badan, waxaana ka mid ah:

1) Dalka Ethiopia.

2) Dalka UAE.

3) Dalka USA.

4) Dalka Kenya

5) Dalka Guinea Conakry.

6) Iyo Dalka Djibouti.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Colaadda gaamurtay ee Soomaaliya waxay ku tusaysaa dagaalka Hawada iyo Duulimaadyada ee ay ku soo qaadeen Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaad ogaydeen in shirarkii aynu ku galnay Istanbul 1, Istanbul 2 iyo Djibuutiba ay Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen in Maamulka Hawada Sare ee dhammaanba Jasiirad Lamoodka Soomaalida (Somali Peninsula), gaar ahaan Somaliland iyo Soomaaliya lagala soo wareego Qaramada Midoobay, si wada-jir ahna loo maamulo, dakhliga ka soo baxana la qaybsado. Balse Ballankaa iyo axdigaa la wada galay waa ay buriyeen, waanay ka baxeen, waxaanay u qaateen in Hawada Sare, oo 75% Duulimaadyada Hawada Sare ay isticmaalaan Hawada Jamhuuriyadda Somaliland, ay iyagu kaligood iska leeyihiin maamulkeeda iyo dhaqaalaha ka soo baxa intaba.

Kaaga darane, waxa ay gaadhay heerka cadaawaddoodu in ay isku dayaan in ay celiyaan diyaaradaha rakaabka ah iyo diyaaradaha gaar ah ee qaadaya dadka xanuunsanaya, sidii dhacday 17-kii January 2024. Taasi waxa ay keentay in aan 12-kii February 2024 amar ku bixiyo in Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ay si toos ah ula wareegto maamulka Hawada Sare.

 Somaliland waxa ay la wareegtay 100% Maamulka Hawada Sare ee Jihada Waqooyi (Northern Sector).

 Waxa ay sidoo kale la wareegtay 50% Maamulka Hawada Sare ee Jihada Koonfureed (Southner Sector). Taasi waxay muujinaysaa in Maamulka Muqdisho uu maamulaa kaliya 250 Nautical Mile oo u dhiganta Kaliya 463 KM oo Hawada Sare ee dhulkii Jamhuuriyaddii duntay ee Somali Republic.

 Waxa ay sidoo kale Somaliland la wareegtay dhammaan Xidhiidhka Is-gaadhsiinta Hawada Sare ee Rasmiga ah (All Primary Voice Communication) ee diyaaradaha iyo duulimaadyada isticmaala Hawada Sare ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u caddaynaysaa Bulshada Caalamka iyo Shirkadaha Diyaaradaha isticmaala Hawada Sare ee Somaliland in Maamulka Hawada Sare ee dhammaan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland ay ku jirto gacan ammaan ah, masuul ah oo xil-kas ah, adeeg kasta oo ay u baahdaana loo qaban doono si xil-kasnimo leh.

Sidoo kale, waxaanu u sheegaynaa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada Hawada ee loo soo gaabiyo (ICAO) in cidda kaliya ee ay wada-hadal kala gali karto Maamulka Hawada Sare ee Somaliland ay tahay Jamhuuriyadda Somaliland, oo iyadu maantaba maamusha inta badan ee Hawada Sare ee Jasiirad La-moodka Soomaalida (Somali Peninsula), sida ay ICAO u taqaano.

Ugu dambeyn, waxaan ka digayaa in dagaalka dhinaca Hawada Sare ee u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya lagu wax-yeelleeyo shacabka iyo dhallinyarada aan waxba galabsan. Dilkii Aqoon-yahankii Somaliland ee u shaqaynaayey Hay’adda Duulista Xamar waa Marxuum loo dilay haybtiisa, Kuwa la midka ah ee lagu hayo jeelasha xamar-na waa madluumiin u xidhan isir-nimadooda.

GEBO-GEBO

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku taallaa Mandaqad Muhiim u ah isu-socodka ganacsiga caalamka.

Waa Qaran ku hilaadiya mustaqbalka nabad-gelyo, deris-wanaag iyo iskaashi buuxa oo dhex mara dhammaan Dalalka Gobolka iyo Caalamka.

Qaranka Somaliland siyaasaddiisa waxa tiir-dhexaad u ah nabadda iyo iskaashiga Caalamka oo dhan.

Waa Qaran dadaal ugu jira sidii uu dalkiisa uga saari lahaa saboolnimada, korna u qaadi lahaa tayada adeegga bulshada iyo aqoonta.

Waa Qaran aragtidiisu ku salaysan tahay in 20-ka sanno ee soo socda ay noqoto meel loo soo shaqo tago, isla markaana lagu tix-geliyo aqoonta da’yarteeda, si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Afrika ee 2063-ka.

Dadka qaar baa is-weydiisa halkaa ma gaadhi karnaa? Jawaabtu waa haa, marka aynu dhaqaalaheena guud ku maal-gelinno qorshayaasha horumarinta dalkeenna.

Quruumahaa Laga Qayliyee Qaaq Wax Kaga Siiyey,

Nin Waliba Mar Buu Qaadan Jiray Qaanso iyo Leebe,

Qarfo iyo Marbuu Seexan Jiran Qalan-qal Hoosteede,

Hayeeshee Quluub Wada Jirtaa Qaniya Sheekhowe.

‘Tima-cadde’ AHU

Koboca horumarka ee ugu weyn waxa uu maanta ka socda dalalka Aasiya, oo aynu isku itaal ahayn dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaanba 1960-kii. Markii aynu xornimada qaadanay, Singabuur, Indooniisiya iyo Koonfurta Kuuriya oo halka ay marayaan aynu arkayno isku itaal baynu ahayn waxbarasho ahaan iyo dhaqaale ahaan marka la eego dakhliga qofka soo gala (Per Capita Income).

Sababta aynu uga hadhnay waa in aynu saxno. Khaladka aynu galnayna wuxuu ahaa in aan xornimadeenii u loognay danta Midnimo Shanta Soomaaliyeed.

Shantii Soomaaliyeed mid walba dantiisa ayuu raacday, innaga mooyee. Maanta waad arkaysaan NFD halka ay marayso. Kenya ayay la midowday, guul baanay ku gaadhay. Soomaalidii Ethiopia deganaydna Itoobiya ayay wax la yeesheen, iyaguna meel wacan ayay marayaan.

Soomaalidii French Somaliland-na Canfar ayay wax la yeesheen, waanay ku dhaqan yihiin.

Soomaalidii Talyaanigu Gumaysan jiray waxaabay dafirsan yihiin in aan kala ahayn laba Dawladood oo u midoobay in ay midowga Shanta Soomaaliyeed horseed u noqdaan.

Maanta Shacabka Somaliland waxa waajib ku ah in ay xornimadoodii xaqiijiyaan mar labaad, qiime kasta oo ay ku kacayso, si ay Caalamka horumarka ka socda ula jaan-qaadaan, waa in ay noqdaan dal madax-bannaan oo ka qayb-gala talada lagu lafo-guraayo Golayaasha Heer Gobol iyo Heer Caalamiba.

Taana waxa lagu gaadhi karaa isku-duubni, midnimo iyo adkaysi. Hiigsigeena waxaynu ku gaadhaynaa inaga oo ul iyo diirkeeda xiliyada adag.

Colaad kasta oo la inagu soo qaado waxa aynu ku wajahaynaa isku kalsooni, geesinimo iyo in aynu u beddelno fursad aynu guulo ku gaadhi karno.

Alle ha-u-naxariistee Abwaan Hadraawi waxa ka mid ah Gabaygiisa Gudgude;

Garawshiiyo Jeeraan Ka Helo Gaanka Dunidayda,

Jeeraan Galaa Baxo Arlada Gooddi iyo Gooddi,

Gaaliyo Islaamkaba ilaa Taydu Wada Gaadho,

Barigiyo Galbeedkaba ilaa Laygu Gacan Qaado,

Gurey iyo Islow iyo Hurrow Gabaygu Waa Beene,

Godadleysan Maayee Tashiga Waan Guddoonsadaye,

Waxba Yaan indhaha Laygu Gubin Gaabsi Ma Aqaanne.

‘Hadraawi’ AHU

Ugu dambeyn, Shacab-weynaha JSL waxaan u rajaynayaa Guul, Barwaaqo, Horumar iyo Nabad-gelyo waarta. Waxaan leeyahay waxaad muujiseen walaalnimo, midnimo iyo qaan-gaadhnimo gaamurtay.

Jamhuuriyadda Somaliland Ha Waarto,

Shacabka Somaliland Ha Guulaysto.

Mahadsanidin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here