Saturday, July 27, 2024

Xuska maalinta Qaranka Shiinaha oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Safaaradda dalka Shiinaha ayaa ku qabatay magaalada Muqdisho munaasabad lagu xusayo sannad guurada 74-aad ee maalinta Qaranka Shiinaha.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Xildhibaano , Wasiiro iyo diblomaasiyiiinta dowladaha caalamka u jooga Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha garab istaagga ay u muujisay Soomaaliya iyo ka qeyb qaadashadeeda dhanka mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa munaasabadda ka sheegay in dowladaha Caalamka laga rabo inay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab.

Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Fei Shengchao ayaa ka sheekeeyay qiimaha ay maalintaan u leedahay dalka Shiinaha, sidoo kalena wuxuu tilmaamay in dowladdiisu diyaar tahay xoojinta xiriirka ay leedahay guud ahaan Afrika gaar ahaana dalka Soomaaliya.

Tan iyo markii uu Mao Zedong aasaasay Dowladda Shiinaha cusub, waxaa dalkaas ka dhacay isbeddeel dhinac walba ah kaaso oo keenay in dadku ka baxaan faqrigii iyo duruuftii adkayd ee ay ku jireen, waxaana isbeddel weyn laga dareemay siyaasaadda iyo nolosha bulshada dalkaas.

Dhaqaalaha dowladda Shiinaha ayaa kobac weyn ku yimid, iyada oo la hirgeliyay warshado badan kuwaas oo saameyn dhaqaale ku yeeshay caalamka, waxaana is furfuray siyaasaadda iyo xiriirka uu Shiinuhu la wadaago dalalka kale.

Shiinaha ayaa sannadihii u dambeeyay xoojiyay xiriirka uu la leeyahay qaaradda Afrika, wuxuuna maal gelin ballaaran ku sameeyay dhowr dal, inkasta oo loo jeediyay eedeyn ah inuu deyn badan qoorta u gelinayao dalal aan gudi karin.

Shiinaha ayaa usoo magacaabay Ergay gaar ah Geeska Afrika taas oo muujineysa siyaasaadda uu ka leeyahay gobolka oo isagu jirta mid dhaqaale, amni iyo xoojinta xiriirka tooska ah ee uu la leeyahay dalalka dhaca gobolka Geeska Afrika.

Dowaladda Shiinaha ayaa ka caawisa Soomaaliya dhinaya badan oo isagu jira Waxbarasahda, Caafimaadka, Ciidamada iyo dib u dhiska xarumaha dowladda, waxaana lagu xasuustaa inay burburkii ka hor ka fulisay Soomaaliya mashaariic badan oo caan ka ah dalka sida Tiyaatarka Qaranka, Garoonka Ciyaaraha Muqdisho iyo kuwa kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here