Sunday, May 19, 2024

Koox burcad ah oo muwaadiniin Soomaaliyeed ku dishay K/Afrika

Rustenburg (Dawan)– Koox burcad ah oo dooneysay in dhac u geysato dukaamo ku yaal magaalada Rustenburg ayaa xalay dil u geystay laba qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Labada nin oo ahaa wiil iyo abtigiis ayaa dilka loo geystay iyaga oo ku sugan goobtooda ganacsiga.

Labada marxuum ayaa lagu kala magacaabaa Cabdiraxmaan Xasan Cali iyo Ibraahim Warsame, sida aan xogta ku helnay.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika iyo laamaha amniga ee dalkaas ayaan ilaa iyo hadda war rasmi ah kasoo saarin dhaca iyo dilka lagula kacay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 Bishii hore ee November, laba nin oo ah ganacsato Soomaaliyeed ayaa lagu dilay magaaalda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika iyaga oo ku sugan goobtooda ganacsi.

Dalka Koonfur Afrika waxaa ku nool Soomaali badan kuwaas oo intooda badan ku leh ganacsiyo, waxa ayna qeyb weyn ka qaataan horumarka dhaqaalaha dalkaas balse waxay la kulmaan dhibaatooyin badan oo isagu jira dhac, boob iyo dil.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here