Saturday, July 27, 2024

Jabuuti: Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Obock oo la ballaariyay

Jabuuti (Dawan)- Wasaaradaha caafimaadka iyo arrimaha bulshada Jabuuti ayaa si wada jir ah xariga uga jaray isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Gobolka Oboch.

Isbitaalka ayaa dib udhis iyo ballaarin lagu sameeyay, waxaana lagu soo kordhiyay adeegyo cusub oo ka jawaabaya baahiyaha caafimaad ee ay u baahanyihiin dadweynaha ku nool Obock gaar ahaan hooyada iyo dhallaanka.

Howha dib u dhiska isbitaalka waxaa fuliyay wakaaldda hormarinta bulshada Jabuuti, waxaana maalgeliayay Bangiga Adduunka.

Ballarrinta isbitaalka ayaa timid kadib markii uu dabooli waayay baahiyaha caafimaad ee dhanka hooyada iyo dhallaanka ee Gobolka, waxaana qorshaha xukuumadda Jabuuti ku jira in muwaadiniinta loo fududeeyo adeegayda asaasiga ah sida adeegyada caafimadka.

Wasiirka Cafimaadka Jabuuti, Axmed Rooble Cabdulle waxa uu sheegay in isbitaalka lagu soo biiriyay 15 sariir, xafiisyo, qalab cusub oo casri ah, iyo goobo kale oo dhammaan loogu adeegayo hooyada iyo dhallaanka.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in ay ka go’antahay in sannad kasta lasii hormariyo laamaha caafimadka iyo deegyada ay bixiyaan si wax looga qabto caafimaadka bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here