Saturday, July 27, 2024

Rooble oo ku tilmaamay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland xad gudub cad

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku tilmaamay heshiiska ay galeen Itoobiya iyo Somaliland tillaabo xad gudub ku ah Qaranimada Soomaaliya, wuxuuna Dowladda ugu baaqay in ay qaaddo tillaabo cad.

Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ayaa maanta wada gaaray heshiis is afgarad ah kaas oo Itoobiya u ogolaanaya in ay isticmaasho Badda Soomaaliya.

Qoraal uu Rooble soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qoraan sida soo socota:

Waa wax lala yaabo aadna looga xumaado ficilka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia kaas oo xadgudub cad ku ah Qaranimada Soomaalliyeed sidoo kalena xasillooni darro ka abuuraya Gobolka Geeska Afrika.

Ilaalinta Gobonimada iyo Siyaadada Qaranka Soomaaliyeed waa Mas’uuliyad Dastuuri ah oo Dadka Soomaaliyeed ay u Wakiisheen Dowladdooda.

Ficil kasta oo halis galinaya mabaadi’daas waa in dowladdu ka qaaddo talaabo cad oo u dhiganta falka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia.

Go’aannada masiiriga ah ee taabanaya Madaxbanaanida Qaranka waa in aan meel uga soo wada jeesanno isla markaana ka hortagno damaca Ethiopia ay ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya taas oo ah dhaxal ay leeyihiin ubadkeennu.

Waxaan rajeynayaa in Xukuumaddu ay qaadato go’aan u qalma ficilka xadgudubka ah ee kasoo yeeray Adis-ababa.

Dadka Soomaaliyeed waxaan u rajeynayaa in ay muujiyaan isku duubni xilligan adag.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here