Saturday, July 27, 2024

M/W Xasan oo gaaray Turkiga kadib ansixintii heshiiska difaaca

Ankara (Dawan)- Kadib laba maalin uu Nairobi u joogay ka qeyb galka Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka ayuu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud u amba baxay dalka Turkiga.

Sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Magaalada Antalya ee dalka Turkiga uga qeyb gelaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya, waxa uuna sidoo kale kulamo muhiim la yeelan doonaa hoggaanka dalka Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da March daah furay shirki saddexaad ee Madasha Diblomaasiyadeed ee Antalya, iyadoo halku-dhig looga dhigay ” Muujinta Diblomaasiyadda, si looga hortago xasaradaha”, waxaana goob joog ahaa ilaa 4,600 wakiil oo ka kala socday 110 waddan, oo ay ku jiraan Madaxda Dowlado ka badan 20 waddan iyo wasiiro arrimo dibadeed kor u dhaafaya 60.

Madasha waxa looga doodaya arrima fara badan oo hadda ka taagan caalamka sida isbeddelka cimilada, argagixisanimada, dhibaatada dhanka cuntada iyo diblomaasiyadda.

Booqashada Madaxweynaha ayaa kusoo beegmeysa kadib markii uu saxiixay heshiiskii difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo ay Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen hirgelintiisa.

Wasaaradaha Difaaca Soomaaliya iyo Turkiga ayaa 8-dii bishii February ku kala saxiixdayMagaalada Ankara heshiis dhanka iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa socon doona muddo 10 sano, iyada oo xogta laga helayo ay tilmaameyso;

  • Codsiga heshiiska waxa uu ka yimid Dowladda Soomaaliya.
  • Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa si shaqsi ah u bixiyay awaamiir ku aaddan diyaarinta heshiiska,waxeyna qaadatay muddo 10 maalin ah.
  • Qorshaynta iyo hirgelinta hawlgallada cirka, dhulka iyo badda ee wadajirka ah, haddii ay timaado baahi ah in la difaaco khayraadka badda.
  • Sameynta Maraakiib ciidan, dhisidda iyo hawlgelinta dekedo, samaynta hab-raaca sharci ee lagama maarmaanka u ah arrintaan, iyo midaynta shuruucdii socdaalka badda ee labada dal.
  • Qaadidda tillaabooyin hal dhinac ah iyo mid wadajir ah si loola dagaallamo dhammaan falalka khatarta ah sida argagixisada, burcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo tahriibinta.
  • Ka taageeridda ciidanka Soomaaliya dhanka tababarada, farsamada iyo qalabka.
  • Sameynta iyo maareynta xarumaha amniga xeebaha.
  • Horumarinta iyo casriyaynta awoodda ciidanka badda ee Soomaaliya.
  • Ka hortagga wasakhowga badda.
  • Shirkadaha ka shaqeyn doona dhammaan arrimahaan ayaa ogolaansho ka heli doona Turkiga.
  • Sida uu dhigayo heshiiska, Turkiga wuxuu ka shaqeyn doonaa ilaalinta ku dhawaad 3,000 oo KM oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya, Kenya ilaa Jabuuti, iyadoo ay ilaalinayaan Maraakiibta dagaalka iyo ciidamada Turkiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here