Saturday, July 27, 2024

Mucaaradku ma isla heli doona jaanta kadib soo noqoshada Farmaajo?

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay markii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka wareejiyay kana dhigtay saldhig Magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Farriin gaaban uu soo dhigay Facebook ayuu ku sheegay inuu usoo laabtay si usii amba-qaado dadaallada xoojinta midnimada iyo wadajirka dadka, isaga oo ku baaqay in ay waajib ah in gacmaha la is qabsado oo meel iska dhigo khilaafaadka siyaasadeed.

“Waxaan doonayaa -hadduu Ilaah yiraahdo- inaan ka shaqeeyo, xalna ka dhax raadiyo Dastuurka furan oo la doonayo in wax laga beddelo ama la dhameystiro” ayuu Farmaajo yiri.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa u arka in soo noqoshada Farmaajo kusoo beegantay xilli ay Dowladdu wajaheyso dhibaatooyin badan oo dalka ka jira sida dagaalkii Al-Shabaab oo joogsaday, xasaradii ka dhalatay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland iyo khilaafka ka taagan dhameystirka Dastuurka.

Falanqeeyayaashu waxa ay qabaan in Dowladdu aysan weli la kulmin mucaarad xooga badan oo qorsha cad dhinac dhigi kara siyaasadda Xasan Sheekh Maxamuud balse soo noqoshada Farmaajo ayaa loo arkaa in ay dhiig cusub ku biirin doonto mucaaradka ay hadda ugu cad cadyihiin Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hore u dhaliilay hannaanka ay Dowladdu ku dooneyso in ay ku dhameystirto Dastuurka, isaga oo hoggaanka dalka ku eedeeyay inuu abuurayo khilaaf siyaasadeed iyo kala dhantaal bulsho.

“Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku salleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay” ayuu hore u yiri, Farmaajo

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here