Saturday, July 27, 2024

M/W Xasan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Midowga Yurub

Dhuusamareeb (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.

“Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay guulaha laga gaaray dagaalka ciribtirka Khawaarijta ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub“. ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Karin ayaa ka wada hadleen xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka kooxda Al-shabaab iyo sugidda amniga.

Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyay Danjiraha in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka caawiya dib u dhiska ciidamada, hay’adaha dowladda iyo dib u dhiska kaabayaalka dhaqaalaha.

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay bishii April ee lasoo dhaafay inuu ku caawinaayo Soomaaliya lacag gaareysa 4.5 milyan oo Yuuro, taas oo looga qeyb qaadanayo mashruuca lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyo dagaalyahannada Al-shabaab ee ka tirsan Maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Karin Johansson ayaa beddeshay safiiraddii hore ee Midowga Yurub u qaabilsaneed Soomaaliya sannadihi lasoo dhaafay, Tiina Intelmann.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here