Saturday, July 27, 2024

ATMIS oo billaawday wajiga labaad ee dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya

 Jowhar (Dawan)- Ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya aaya billaabay qorshaha wajiga labaad ee lagu dhimaayo ciidamada ka sugan Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay ATMIS oo la xiriirta bixitaanka ciidaankii joogay Saldhigga Biya-cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa u qorneed sida soo socota.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa maalinti axadda (shalay) ahayd bilaabay wajigii labaad ee dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya, iyadoo lagu wareejiyay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed Saldhigga Biyo-cadde ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle.

Saldhigga Biyo-Cadde oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana ay ka howl geli jireen ciidamada ATMIS ee Burundi ayaa ah mid istaraatiiji ah, maadaama ay tahay furinta difaaca ee magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Munaasabadda wareejinta Saldhigga waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday Hawlgalka ATMIS, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOS.

Taliyaha Saldhigga Biyo-cadde ee ATMIS, Gaashaanle Dhexe Philippe Butoyi oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in wareejinta mas’uuliyadda amniga ay caddeyn u tahay hoggaanka Soomaaliya ee dib u dhiska dalka, ilaalinta shacabka, iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida.

“Waxaan marqaati ka nahay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka oo ay ciidamada amaanka ee Soomaaliya ku muujiyeen awooddooda sii kordheysa ee ku aaddan sugidda amniga dalka. Waxaan aragnay ciidamada oo weeraray, qabsaday oo gacanta ku dhigay deegaano badan,” ayuu yiri Gaashanle Dhexe Butoyi.

Wuxuu intaas ku daray in, “ xirfadda, tababarka iyo qalabka ay haystaan Ciidamaada qalbka sida ee Soomaaliya in ay wax ka beddeleen dagaalka lagula jiro argagixisada Soomaaliya.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Saldhigga Biyo-cadde, Axmed Cali Taakow, ayaa saxiixay warqadaha wareejinta ee Saldhigga, taas oo caddayn u ah wareejinta mas’uuliyadda amniga, waxaana goob joog ka ahaa wakiil ka socday Xarunta dhexe ee Hawlgalka ATMIS, Gaashaanle Dhexe Edouard Nzohabonayo , Madaxa UNSOS ee unugga Qorshaynta Kala-guurka, Patrick Duah, iyo Taliye Ku-xigeenka Waaxda Hawlgallada ee Ciidanka xoogga Soomaaliya, Gaashaanle Muxudiin Axmed.

Gaashaanle Muxudiin Axmed, ayaa uga mahadceliyey ciidamada ATMIS ee Burundi sida wanaagsan ee ay u suggeen amniga Maamul goboleedka Hirshabeelle.

“Waxaad hurteen naftiinna, dhiigiina ayaa ku daatay si aad cadowga uga difaacdaan dhulkeenna. Idinka ayaa sabab u ah in aan hadda sii xoogaysanno, maantana waxaan la wareegaynaa mas’uuliyadda amniga ee Biyo-cadde ” ayuu yiri Gaashanle Axmed.

Intii ay wareejintu socotay ayaa hay’adda UNSOS oo ATMIS ka taageerta dhanka saadka, waxa ay ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qalab oo ay ka mid yihiin, Matoor, Warshadda biyaha sifeysa, baallayaasha cadceedda, ceelal riig ah, talaajado, qaboojiyaal, haamaha kaydka biyaha iyo agab kale.

“UNSOS waxa ay qalabkaan ugu deeqday Ciidanka Soomaaliya ee kala wareegaya ATMIS saldhigga. UNSOS waxa ay sidoo kale tababar u qabatay saraakiisha ciidanka xoogga Soomaaliyeed si ay ugu suurtagasho in ay ku shaqeeyaan oo ay dayactiraan qalabkan,” ayuu yiri Madaxa Unugga Qorsheynta Kala-guurka ee UNSOS, Patrick Duah.

Dhimista Ciidamda ATMIS aya imaanaysa kadib Qaraarradii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay: 2628 (2022), 2670 (2022), iyo 2687 (2023), oo faraya ATMIS in ay ka soo saarto Soomaaliya laba kun oo askari marka la gaaro Juun 2023-ka iyo saddex kun oo kale dhamaadka Sebtembar 2023-ka

Wajigii kowaad ee lagu guulaystay ee dhimista ciidamda ATMIS ayaa dalka laga saaray 2,000 oo askari, laguna wareejiyay lix Saldhig Ciidaanka Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here