Saturday, July 27, 2024

M/W Xasan oo xariga ka jaray xarunta kaydka Gaaska cuntada

Muqdisho (Dawan)- Madaxweymaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu rajeynayo in dhawaan dalka laga saaro Gaaska laga keeno dibadda, si looga baxo dhibaatada dhanka Gaaska sidoo kalena uu kor u kaco dhaqaalaha dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in arrintaas ay u baahantahay dhiiranaan, farsamo, rabitaan iyo go’aan ay qaataan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku dhiiri galinayaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan Kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaana rajeynayaa in dhowaan Gaaska dalka dibadaiisa nooga yimaada uu dalkeenna nooga soo baxo.” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh, ka sheegay munaasabadda xariga looga jaray xarunta Kaydka Gaaska cuntada Soomaaliya ee Benaadir.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay ganacsatada inay maalgashadaan guud ahaan gobollada dalka, si fursadaha horumarku u wada gaaraan muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

” Ganacsatada dalka dibadiisa jirta, waxaan aad iyo aad ugu dhiirigelinaya in ay dalka kusoo laabtaan. Dalku magaalada Muqdisho bis ma ahan. Magaalooyin kale oo dalka ku yaal oo nabad ah oo dad leh, oo adeeg looga baahanyahay ayaa jira, waxaan leehaay hantidiina dalkaan ayaa iska leh, dib ugu soo celiya” ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyay mas’uuliyiinta Shirkadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay dowladda uga gacan siinayeen qorshaha ilaalinta deegaanka iyo dib u dhiska dalka, wuxuuna kula dardaarmay in hoos u dhigaan qiimaha la iibiyo Gaaska si qoys walba u awoodo iibsashadiisa.

Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu caddeeyay in dowladdu aysana woodin xilligaan la joogo in ay canshuur dhimis u sameyso gannacsatada, iyada oo la eegayo daruufaha lagu jiro iyo inta uu la egyahay dakhliga usoo xarooda dowladda oo dabooli kara kaliya %30 miisaaniyadda dowladda.

Madaxweyne Xasan oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri; “Ganacsatadu haku dhiirato, ha fududeyso, ha bixiso casnhuuraha barriga ah. 100 jeer ayay ka badantahay canshuuraha furdada, adeegyada dowladdana halala xisaabtamo. Canshuurteeni halkee ka baxday hala yiraahdo”.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here