Saturday, July 27, 2024

M/W Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shirka Talyaaniga iyo Afrika

Roma (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga qeyb-geli doonaan Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

“Shirkan waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo iskaashiga dhaqaale, fududeynta isu-socodka iyo arrimaha amniga, sidoo kale, waxa uu ku soo bandhigi doona muhiimadda xasilloonida gobolka, ixtiraamka mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isagoo si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaanida Soomaaliya ee dhawaan ay Itoobiya ku dhiirratay” . ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iftiimin doona dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska ciidamada.

Madaxweynaha ayaa shirku inta uu socdo waxa uu kulammo labo geesood ah la qaadan doonaa madax iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin; Mudane Azali Assoumani, Madaxweynaha dalka Comoros, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika., Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto, Madaxweynaha dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki iyo Agaasimaha Maamulka ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) Marwo Kristalina Georgieva.

Dowladda Talyaaniga ayaa ugu talagashay shirkan in ay ku xoojiso xiriirka kala dhaxeeya wadamada Afrika, waxeyna kusoo bandhigi doontaa qorshaha cusub ee ay rabto in ay kula shaqeyso Qaaradda Afrika si wax looga qabto arrimaha tahriibka.

Talyaaniga ayaa sidoo kale xoogga saari doona dadaallada kor loogu qaadayo isdhexgalka dhaqaalaha iyo ganacsiga qaaradda Afrika, iyada oo ahmiyad gaar ah la siinayo shaqo abuurka, horumarinta xirfadaha, hal-abuurka iyo tignoolajiyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here