Saturday, July 27, 2024

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya oo raali gelin ka bixiyay wareysi uu dhawaan bixiyay

Addis Ababa (Dawan)- Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Mukhtaar Maxamed Waare ayaa raaligelin ka bixiyay wareysigii uu bixiyay dhawaan kaas oo lagu tilmaamay inuu meel ka dhac ugu geystay Dowladda Soomaaliya.

Safiirka ayaa bartiisa X kusoo qoray ” Waxaan raali gelinaya Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Hadalkeyga waa la qaloociyay, ugumana tala gelin inaan dhaawaco xiriirkeena

Mukhtaar Maxamed Waare ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, isaga oo xusay xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer, waxaana iga go’an safiir ahaan inaan si hagar la’aan ah uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood ee walaalaha ah si loo xoojiyo iskaashiga” ayuu raaciyay qoraalkiisa

Marka laga soo tago inuu si weyn u bogaadiyay heshiiska ay kala saxiixdeen Dowladdiisa iyo Somaliland hadana waxa uu safiirku sheegay in xaaladda amni ee Muqdsho tahay mid adag oo ay dhibaato kugu soo gaari karto xilli kasta, isaga oo xusay in ay lagama maarmaan tahay in aad wadato gawaarida ay xabbadu karin.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday kadib heshiiskii Badda ee kowdii bishaan January, iyada ay Dowladda Soomaaliya ugu yeeratay safiika ka jooga Addis Abab inuu wada tashi ugu soo laabto Muqdisho.

Heshiiska is-afgaradka ayaa tilmaamaya in Itoobiya ay heli doonta Deked ay baadi goob ugu jirtay muddo dheer iyo saldhig ciidankeeda Baddu ay isticmaalaan halka Somaliland ay heleyso aqoonsi ay baadi goob ugu jirtay in ka badan soddon sano iyada oo sidoo kale laga yaabo in ay saami ka hesho Shirkadda Ethiopian Airlines oo ah diyaaradda ugu weyn Afrika.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here