Saturday, July 27, 2024

Qorshaha ay Jabuuti uga hortageyso saameynta xiisadda Badda Cas

Jabuuti (Dawan)- Geeska maqaayad u gaar ah cuntooyinka Badda, waxaa fadhiya afar badmaax oo Japan u dhashay, waxa ay ku mashquulsanyihiin  taleefanadooda gacanta. Bartmaha  maqaayadda  waxa cunto fudud ku cunaya  laba dumar ah oo u dhashay dalka Faransiiska, halka miisaska kalena ay fadhiyeen ajaanib kasoo kala jeeda dalal kala duwan, kuwaas oo intooda badan ka howl gala  xarumaha ciidamada shisheeye  ee ku yaala magaalada Jabuuti.

Axmed Cabdi waa kabalyeeri ka howl gala maqaayadda, waxa uuna marba tegaya miis ka mid ah miisaska isaga oo ku hadlaya luqado kala duwan si uu macaamiisha uga qaado dalabkooda.

Waxaa dadka soo jiidanaya cimaamadda ay caanka ku yihiin dadka reer Falastiin (Koffiyeh)  ee garabka u saaran. Marka la weydiiyo sababta uu u xirtay , waa uu ka cudur daarnaya inuu ka bixiyo jawaab balse waxa uu calaamadda guusha ku muujinaya farahiisa ( farta dhaxe iyo murusatada)

Axmed kaliya ma aha ee reer Jabuuti waxay siyaabo kala duwan u muujiyeen garab istaagooda iyo taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta, iyada oo si rasmi ah ay Dowladda Jabuuti u qaadatay mid ka mid ah go’aanada ugu adag Afrika ee lagu taageray Falastiin

Gargaar xaq ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti , Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dalkiisu uusan cambaareynin weerarrada Xuutiyiinta, sababtoo ah waxay u arkaan inay yihiin gargaar xaq ah oo loo fidiyay Falastiiniyiinta, isaga oo tilmaamay in aysan ka qeyb qaadan doonin isbaheysiga uu Mareykanku ku dhawaaqay ee Badda Cas.

Ra’iisul Wasaare Cabdulqaadir Kaamil ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dalkiisu diiday codsigii Mareykanka ee ahaa in lagu rakibo dhulkooda gantaalo lagu bartilmaameedsado Xuutiyiinta Yemen.

Jabuuti ayaa ku dhawaaqday inay si buuxda u taageersan tahay dacwadda ay Koonfur Afrika ka gudbisay Israa’iil ee la horgeeyay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Hase yeeshee, Jabuuti  waxay muujisay  dhowr jeer cabsida iyo walaaca ay ka qabto in xiisadda Badda Cas ay saameyn xun ku yeelato shaqada dekedaheeda, oo ah  mashiinka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka.

Jabuuti waxay xoogga saartay dekedaheeda tan iyo bishii May 1998, markaas oo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi uu go’aansaday inuu dhammaan badeecadaha dalkiisa u wareejiyo  dekedda Jabuuti kadib markii ay dagaalkii  Eritrea ku waayeen dekaddii Assab .

Soddonkii sano ee la soo dhaafay, Jabuuti waxa ay dhaqaale badan ku bixisay horumarinta kaabayaasha dekedaheeda, hadana waxa ay leedahay  shan dekedood oo lagu tiriyo kuwa ugu horumarsan qaaradda Afrika, iyada oo sidoo kale hirgelisay waddooyin waaweyn iyo tareennada korontada ku shaqeeya ee isku xira  dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya.

Welwelka xiisada Badda Cas

Xafiis ku yaal dekedii hore ee Jabuuti, ayuu madaxa dekedaha iyo aagagga xorta ah, Abuubakar Cumar Haadi, ku  mashquulsanyahay  inuu la hadlo wakiilo ka socda shirkado shisheeye.

Haadi ayaa dhawaan u guuray xafiiskiisa cusub, kadib markii xeebaha dalka laga dhisay  hoteelo badan, goobo dalxiis, xarumaha shirkadaha iyo hay’adaha aan dowliga ahayn, iyada oo sidoo kale ay ku yaalan tiro saldhigyo ciidan ah oo lagu xayndaabay dhagxaan  shub ah iyo siligyo.

“Ilaa hadda xaalkeenu waa fiicanahay, laakiin haddii ay xiisaddu sii socoto waxay saameyn ku yeelan doonta dhaqdhaqaaqa dekedaha Jabuuti ee kala wareejinta badeecadaha” sidaas ayuu Haadi u sheegay Al Jazeera Net

Marka laga soo tago in Dowladahaha deriska la ah, Jabuuti waxay sannadihii u dambeeyay xoojisay adeegyada ay gaarsiiso bartamaha Africa iyo Caalamka iyada oo ka faa’iideysaneysa marinka Baabul Mandab oo ah mid aka mid marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka.

Qiyaastii 10% saliidda ceeriinka ah iyo naftada (8.2 M fuusto maalintii) ayaa mara marin biyoodkaan ciriiriga ah.

Madaxa maamulka dekedaha Jabuuti ayaa sheegay in loo baahan yahay in lagu qanciyo shirkadaha waaweyn ee maraakiibta kuwaas oo  aan xiriirka la lahayn Israel, in ay si nabad ah ku mari karaan Baabul Mandaba, isaga oo yiri. “ Waa inay ku qancaan sidii ay arrintan u fulin lahaayeen oo ay ugu hoggaansami lahaayeen,  maadaama ay iyagu leeyihiin mas’uuliyadda kala wareejinta  badeecadaha,  khatarna lama kulmi doonaan” .

Waxa kale oo uu sheegay in  iyada oo la eegayo xiisadda ka taagan Badda Cas, in dekedaha Jabuuti ay qaadeen tallaabooyin cusub oo lagu kala fududeynayo howlaha socda sida hubinta in Maraakiibtu ay si toos ah ugu soo xirtaan dekadaha iyo in sida uga dhaqsiyaha badan looga dejiyo ama laga wareejiyo badeecadaha.

Goob Shaqa badan

Bilaawga todobaad kasta  waxa soo buux dhaafiya aagga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti wakiilo badan oo ka kala  socda shirkadaha gudaha iyo kuwa ajaanibta . Shirkad kasta waxa ay rabtaa in ay  ka faa’iidaysato xilliga cimilada dhaxdhaxaadka ah ee  dalka si ay u dhamaystaan  shaqadooda  ka hor inta aanay bisha May soo gelin oo heer kulku gaari doono in  ka badan 100 darajo.

Abaadir Axmed oo ku takhasusay la shaqaynta maraakiibta ka imanaysa Shiinaha iyo Yurub waxa uu sheegay in  shirkadaha maraakiibta ee “Maersk” iyo “MSC” ay ku wargeliyeen inay joojiyeen adeegsiga Badda Cas taas oo saameyn ku yeelan doonta ganacsiga iyo badeecadaha isaga goosha caalamka.

Inkasta oo ay dhibaatadaan jirto hadana waxa uu qabaa rajo ah in ay si dhakhso ah u dhammaan doonto, maadaama ay wali furanyihiin marinada ganacsiga ee Hindiya iyo Shiinaha.

Abaadir Axmed ayaa caddeeyay in ay xiisadda Baddda Cas uga gudbi doonaan sidii ay uga gudbeen dhibaatadii cudurkii Corona,  xilligaas oo ay dekedaha Jabuuti  qaadeen tallaabooyin muhiim ahaa si loo hubiyo habsami u socodka badeecadaha, iyo in la dhimo muddada sugitaanka maraakiibta ee shaqada  rarista iyo dejinta.

Dowladda Jabuuti waxa ay qorsheyneysaa in ay ka mira dhaliso “Hiigsiga 2035” oo ah istiraatijiyad ay ku dooneyso in ay ku gaarto horumar isku dhafan iyada oo laga faa’iideysanayo khayraadka dabiiciga ah, si wax looga qabto dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, kallumeysiga, Tamarta, deegaanka iyo arrimaha ciyaaraha.

Jabuuti waxa ay rajeyneysaa in ay  noqoto dalkii ugu horeeyey Afrika ah ee ku tiirsan tamarta la cusboonaysiin karo, iyada oo ka faa’iidaysanaysa  dabeylaha xooggan ee ka dhaca Jabuuti bilaha June ilaa August, waaxeyna bishii September ee lasoo dhaafay xariga ka jartay Warshadda Tamarta oo laga hirgeliyay deegaanka Goubet ee dalkaas.

Dawan + Al-Jazeera + RTD

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here