Saturday, July 27, 2024

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Cape Town (Dawan)- Laba nin oo ah ganacsato Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay magaaalda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika iyaga oo ku sugan goobtooda ganacsi.

Sida aan xogta ku helnay labada nin ayaa lagu kala magacaabi jiray Abuukar Cumar Cosoble iyo Xuseen Axmed Maxamed, waxeyn aka mid ahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Cape Town.

Lama oga sababta ka dambeysa in la dilo labdaan muwaadin balse waxaa dalka Koonfur Afrika caadi ka noqotay waaydi ugu damebeysay in la bartilmaameedsado Soomaalida ku nool dalkaas.

Booliska Koonfur Afrika ayaa dilka kadib goobta tegay, waxeyna sheegeen in baaritaan la sameyn doono si gacanta loogu soo dhigo gacan ku dhiiglayaasha.

Dowladda Soomaaliya weli war rasmi ah oo ku saasan dilka muwaadiniintaas sooma saarin.

Dalka Koonfur Afrika waxaa ku nool Soomaali badan kuwaas oo intooda badan ku leh ganacsiyo qeyb weyn ka qaatay horumarka ganacsiga dalkaas balse waxay la kulmaan dhibaatooyin badan oo isagu jira dhac, boob iyo dil.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here