Saturday, July 27, 2024

Jig-jiga oo laga billaabay diiwaan gelinta dadkii hore loogu geystay tacaddiyada

Jig-jiga (Dawan)- Caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Jig-jiga, waxaa si rasmi ah looga dhawaaqday in la diiwaan gelinayo dadkii hore loogu geystay tacadiyadda ka dhanka ah nolosha aadanaha.

Dr. Maxamad Xasan Qaasim oo ah Guddoomiyaha Guddiga Baaritaanka Tacadiyadii ka dhacay Deegaanka, ayaa caddeeyay inay bilaabatay diwaangalinta dadkii ay tacadiyada soo gaareen, si loo ogaado tacaddiyada dhacay heerka ay gaarsiisaynyihiin, tirada loo geystay sidoo kalena wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkii hore u dhacay.

Xukuumada Deegaanka Soomaalida ayaa tan iyo isbadalkii waxaay qorshe u qaadatay dhawrista xuquuqul isnaanka, iyada oo waxbadan laga qabtay ku dhaqanka sharciga iyo sareyntiisa.

Guddiga Baaritaanka Tacaddiyada oo dhawaan la aas-aasay, waxa uu qayb ka yahay dadaalada ay xukuumadu ugu jirto, dhayida inta karaankeeda ah quluubta bulsho badan oo tacaddiyo kala duwan loo gaystay iyo meelmarinta maamul u taagan danaha shacabka ku dhaqan deegaanka.

Kulanka waxaa ka soo qayb-galay Maamulka Magaalada Jig-jiga, ku kuxigeenka taliyaha Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida, Culimaa’udiinka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here