Saturday, July 27, 2024

Madax kala duwan oo kusii qulquleysa magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Dawan)- madax ka kala socota dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa kusii qulqulaya magaalada Dhuusamareeb ee maamul goboleedka Galmudug oo maalmaha soo socda marti gelin doonta shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Ra’iisul waaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta gaaray Dhuusamareeb, iyaga oo soo dhaweyn kala kulmay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor)  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku bogaadiyay maamulka iyo shacabka Galmudug sida hagar la’aanta ah ee qaybta uga qaadanayaan halganka dalka lagaga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, sida lagu qoray bogga Facebook ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale, magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, waxaa maanta gaaray Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka mid ah madaxda maanta gaartay magaalada Dhuusamaareb si uu uga qeyg galo shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynayaalka Hirshabeele iyo Jubbaland ayaa la filaya inay soo gaaran magaalada Dhuusamareeb laakin weli war rasmi ah lagama haayo inuu madaxweynaha Puntlanad Siciid Cabdullaahi Deni kasoo qeyb geli doono shirka.

Deni ayaa ka baaqday shirarkii dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ee ugu danbeeyay kadib markii khilaaf soo kala dhax galay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ay magaalada Dhuusamareeb marti gelin doonto ayaa ah kii lixaad oo ay ku kulmaan madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada , tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii May ee sannadkii 2022-ka

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sugnaa magaaalada Dhuusamareeb saddexdii isbuuc ee lasoo dhaafay, isaga oo kulamo kala duwan la yeeshay qeybha bulshada si loo dardar geliyo dagaalka dowladdu kula jirto xoogaga Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here