Saturday, July 27, 2024

Dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay Cows-weyne

Galgaduud (Dawan)- Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga  Al-shabaab ayaa ka dhacay deeganaaka Cows-weyne ee gabolka Galagaduud.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerarro ismiidaamin ah ku qaadeen saldhigyo  ay ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin  deegaanka Cows-weyne, kaddibna dagaal fool ka fool ah uu dhex maray labada dhinac.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidanka Soomaaliya iyo dadka deegaanka ayaa fashiliyeen  weerar ay saaka xoogaga Al-shabaab kusoo qaadeen deegaanka Cows-weyne oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay in dagaalyahanadoodu  la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Cows-weyne, isla markaana ay khasaare gaarsiiyeen ciidamada dowladda.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaaya ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii la wareegay magaalada Ceel-buur ee gobolka Galguduud, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here