Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh: Qorshaheyna dhaw waa inaan 40 kun gaarsiino Boliiska

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay sannd guuradii 80-aad ee kasoo wareegatay markii la dhidibada loo taagay Ciidamada Boliiska Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha dhaw ee Dowladda uu yahay in tirada Booliska la gaarsiiyo afartan kun oo ka howlgala dhammaan deegaanada Soomaaliyeed.

“Qorshaha dhaw waxa uu yahay 40 kun oo Ciidaan Boliis ah oo isagu jira heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed in ay dalka ka howl galaan muddo dhaw” ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hiigsiga Dowladdu uu yahay in amniga gudaha ay si buuxda ula wareegaan kaliya Ciidamada Boliiska ah oo sugi doona nabadda deegaanada iyo amniga dadka Soomaaliyeed, iyada oo Ciidamada Xoogga iyo kuwa Sirdoonku qaadan doonaan howlahooda gaarka ah.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyay xilliga kala guurka amniga Soomaaliya oo ay Ciidamada amniga kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka kadib dhammaadka howlgalka nabad ilalainta ee Midowga Afrika, isaga oo xusay in maanta ay ilaalinayaan Madada Soomaaliyeed ciidaan Soomaali ah markii ugu horeysay Jamhuriyadda seddexaad, isaga oo yiri

“Jamhuuriyadda seddexaad, waa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Janhuuriyadda cid ajnabi ah aysan ilaalinaynin oo Xarumaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda, Golaha Xukuumadda iyo Golaha Baarlamanaaka intaba amnigooda si buuxda ay ula wareegeen ciidamada amniga Soomaaliya. ”

Wasiiru Dowlaha Amniga Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay maanta heystaan khibrad ku filan oo u suurta gelineysa in ay kasoo baxaan waajdibaadkii ka saarna sugidda amniga dadka.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in Boliisku kasoo bixi doono howlaha iyo waajibaadka saraan, gaar ahaan amniga Caasimadda Muqdisho maadaama lagu wareejiyay mas’uuliyadda amniga dalka oo ay hore uga qeyb qaadan jireen Ciidaanka Nabad Ilaalinta Afrika.

Ciidanka Boliiska Soomaaliiyeed ayaa ah ciidanka ugu faca weyn ee dalka iyada oo dhidibada loo tagaay xilligii gumeystaha reer Yurub ay jogeen dalka, waxeyna kasoo qeyb qaateen horumarka dalka iyo dagaalladii lala galay Itoobiya kadib xornimadii dalka.

Waajibaadkooda ugu waaweyn waxaa ka mid ah ka hortagga iyo la dagaalanka dambiyada, difaaca dalka, sugidda amniga gudaha iyo ilaalinta sharciga.

Dabbaal degga munaasabadda 80-aad ee kasoo wareegatay markii Boliiska Soomaaliya la aas-aasay waxaa kasoo qeyb galay Taliyaha Boliiska Jabuuti, G/lle Sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin  iyo Taliye ku xigeenka Boliiska Itoobiya, Musfin Abebe Badeye.

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa ka mid ah Dowladaha Soomaaliya ka caawiya tababarka ciidamada kala duwan iyo soo celinta nabadda iyo xasiloonidda, waxeyna sannadihii lasoo dhaafaay ka mid ahaayeen Dowladaha Afrika ee Soomaaliya ku taageera Ciidamada Nabad Ilaalinta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here