Saturday, July 27, 2024

Madaxweynaha Zimbabwe oo ku guuleystay doorasho muran dhalisay

Zimbabwe (Dawan)-Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalkaas mar labaad, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta doorashada.

Goob-joogayaalka caalamiga ah ayaa ku dhalleeceeyay doorashada dalkaas inay ka hoosesay heerka dimoquraadiyadda.

Mnangagwa, oo 80 jir ah, ayaa ku guuleystay 52.6 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka 44 boqolkiiba uu helay ninkii la tartamayay ee Nelson Chamisa, oo 45 jir ah, sida lagu sheegay natiijada rasmiga ah ee kasoo baxday  guddiga doorashada Zimbabwe.

“Emmerson Mnangagwa Dambudzu oo ka tirsan Jabhadda Midowga Afrika ee Zimbabwe ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Zimbabwe,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga doorashada.

Dad weynaha  Zimbabwe ayaa  codkooda dhiibtay maalmihii Arbacada  iyo khamiisa, waxayna mucaaradku ku eedeyeen dowladda inay is daba marin ku sameeysay natiijada iyo hab raaca doorashada.

Doorashadan ayaa si weyn isha loogu haayay, waxayna tijaabo u ahayd xisbiga ZANU-PF ee uu hoggaamiyo Mnangagwa,  kaas oo muddo  43-kii sano ahaa hoggaanka dalkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here