Saturday, July 27, 2024

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo eed ku culus u jeediyay Deni

Garoowe (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Puntland, Axmed Cusmaan Karaash ayaa eed culus dusha ugu tuuray Madaxweyne Siciid Cadbullaahi Deni, isaga oo ku tilmaamay “kaligiis talis”.

Qoraal uu soo dhigay barta Facebook ayuu Karaash ku yiri ” Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awoodda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil”.

Karaash ayaa u sheegay wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland in haddii Deni uu qaado tillaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah in uu isaga kaliya qaadi doono cawaaqib xumada ka dhalata.

Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta ku guul darreystay in ay wax go’aan ka gaaraan ajandihii ku saabsanaa diidmada Maxkamadda Dastuuriga ah ee muddo-kororsiga Baarlamanka.

Guddoonkii isimmada SSC-khaatumo ayaa soo jeediyay in muddo kororsi hal sano ah loo sameeyo Golaha wakiilada Puntland taas oo dhalisay buuq iyo khilaaf xoogan oo cusub.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya iyada uu dhawaan madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ka laabtay qorshihiisi ahaa in uu qabto doorasho ku dhisan qof iyo cod.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here