Saturday, July 27, 2024

Mandheera: In ka badan 100 arday oo deeq waxbarasho ka helay Sanduuqa horumarinta

Mandheera (Dawan)- 113 arday oo Jaamacada Magalada Gaarisa ka barta xirfadaha Macallinimada ayaa helay deeq waxbarasho oo dhameystiran. Deeqdaan oo ay ku baxeyso lacag dhan 8.8 milyan oo lacagta Kenya ah ayaa ka timid Sanduuqa Horumarada ee deegaan Baarlamaaneedka Koofurta Mandhera.

Deeqdaan  ayaa qeyb ka ah dadaalada lagu doonayo in lagu dhimo dhibaatada ka jirta Gobolka Waqooyi-Bari Kenya ee Macallin la’aanta.

Xildhibaanka Koofurta Mandhera, Cabdul Haarow oo ka soo qeyb galay munaasabadda shaacinta deeqdaan waxbarasho ayaa kula taliyay waalidiinta ardayda dhameysatay Dugsiyada Dare in awlaadooda ku dhiira geliyaan in ay ku biiraan barasahda xirfadaha Macallimiinta si loo helo barayaal badan oo dabooli kara baahiada Macallinimo ee ka jirta Gobolka.

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in Xafiiskiisa uu taageero dhaqaale siin doono arday kasta oo kasoo jeeda deegaankiisa kaas oo daneynaya inuu barto culuumta Macallinimada.

Sanadkii hore ayay ahayd markii  in ka badan 120 Macallin ay diideen in ay ku laabtaan Dugsiyadii ay wax ka dhigi jireen xilli ardayda ay isku diyarinayeen imtixaanaadka qaran ee dalka Kenya.

Macallimiinta aan u dhalan deegaanka ee usoo shaqa tagi jiray ayaa cabsi daran soo foodsaartay ka dib weerarkii Jamacadda Gaarisa ee 2015 kaas oo lagu dilay 148 arday. Saameynta weerarkaas ayaa keenay hoos u dhac weyn oo ku yimid adeegyada waxbrasahda iyo kaabayaasha dhaqaale ee Gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here