Saturday, July 27, 2024

Maraykanka oo Malaayin dollar dul dhigay madaxa Amiirka Al-shabaab

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in abaal marin lacagaeed oo gaareysa 10 malyan oo dollar la siin doono cidii soo sheegta macluumaad ku saabsan Amiirka Al-shabaab ,Axmed Diiriye oo ku magac dheer Abuu Cubeyda.

“Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa abaalmarin gaaraysa illaa 10 milyan oo dollar ku bixinaysa ciddii soo sheegta Axmed Diiriye, oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Cumar iyo Abuu Cubeyda” ayaa lagu yiri, warbixin kasoo baxday Maraykanka.

Abuu Cubeyda ayaa ah hogaamiyaha Al-Shabaab tan iyo markii duqeyn lagu dilay hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Maraykanka ayaa ku eedeyay hogaamiyaha Al-Shabaab inuu ku lug lahaa weeraro ka dhacay Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Jabuuti oo ay ku dhinteen boqolaal qof.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa liiska argagixisada caalamiga ah ku dartay Axmed Diiriye sannadkii 2015.

Bishii Abriil 2010, guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan cuna qabateynta Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kusoo rogay cuna  qabateyn.

Maraykanka ayaa hore u ballan qaaday inuu abaal marin lacageed oo gaaeysa 10 malyan siin doono cidii macluumad ka keenta hoggaamiyaasha kooxda Al-shabaab ee kala ah Axmed Diiriye, Mahad Karataay iyo Jihaad Mustafa.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo muddo sannad iyo dheeraad ah uu dagaal culus ku dhex maray gobolladda Dhexe ee Soomaaliya  ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo dowladaha saaxibada la ah iyo kooxda Al-shaabab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here