Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dadkii ku geeriyooday dhul-gariirka Marooko

Marooko (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa uga tacsiyeysay dowladda iyo shacabka Marooko dadkii ku geeriyooday dhul-gariirkii xooganaa ee fiidnimadii Jimacaha ku dhuftay dalkaas.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si buuxda u garab taagantahay  dowladda iyo shacabka Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Marooko oo ku jira xilli adag kadib dhul-gariirkii u geysatay khasaaraha badan” ayaa lagu yiri, bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa intaas ku daray ” Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelladdii iyo qaraabdii ku waayay dadkooda, waxaana Ilaah uga baryeyna dadka ku dhaacmay inuu siiyo caafimaad deg-deg ah”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Marooko ayaa sheegtay in dad gaaraya 632 qof ay ku dhinteen dhul-gariirka, halka ay ku dhaawacmeen 329 kale, iyada oo laga casbi qabo in tiradu sii siyaaddo saacadaha soo socda.

Xarunta Cilmi-baarista Sayniska iyo Farsamada ee dalkaas ayaa sheegtay in  xoogga dhul-gariirku  gaaray 7 darajo cabbirka Richter.

Madaxa Machadka Geophysics-ka ee dalka Marooko  ayaa ku tilmaamay dhul-gariirkan kii ugu khasaraaha badnaa ee ka dhaca dalkaas muddo qarni ah.

Dhanka kale, Wakaalladda Wararka Marooko ayaa sheegtay in hay’adaha caafimaadku ugu  baaqeen muwaadiniinta inay ku deeqaan dhiig si loo badbaadiyo dadka ku dhaawacmay dhul-gariirka.

Dhul-gariirkaan ayaa sidoo kale sababay burburka guryo la degganyahay, masaajiddo iyo dhismayaal taariikhi ah oo ku yaal Koonfurta dalka Marooko.

Wasaaradda Arrima Gudaha dalkaas ayaa sheegtay in dowladdu dadaal badan ku bixineyso badbaadinta muwaadiniinta iyo wax u qabashada dadkii ku wax yeelloobay dhul-garaiirka, waxeyna ugu baaqday  muwaadiniinta inay  muujiyaan degganaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here