Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh iyo Geelle oo tacsi u diray boqorka Marooko

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeyay Boqorka Marooko, dadkii boqollaalka ahaa ee ku geeriyooday dhul-gariirkii ku dhuftay dalkaas fiidnimdii Jimacaha.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Somalia kuna qoran Af-ka Carabiga ayaa lagu yiri “ Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diraya Boqor Maxamed-ka Lixaad iyo shacabka Marooko, isaga oo uga tacsiyeynaya dadkii ku dhintay dhul-gariirkii ku dhuftay gobollo iyo magaalooyin badan.  Madaxweynuhu wuxuu Alla uga baryaya inuu u naxariisto dadkii ku geeriyooday, kuwii ku dhaawacmayna siiyo caafimaad deg-deg ah”

Dhankiisa, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tacsi taas la mid ah u diray Boqorka iyo Shacabka Marooko.

Geelle ayaa bartiisa X kusoo qoray “Waan la murugoonay warka naxdinta leh ee naga soo gaaray dhul-gariirka ku dhacay walaalahayn. Ilaah ha u naxariisto intii geeriyooday kuwa dhaacmayna Ilaah ha u booga dhayo.  Waxaana tacsi u direynaa Boqortooyada Marooko Madax iyo shacab, waxaana Ilaah ka baryeyana inuu dalkaan iyo dalalka kale ee islaamka ah ka dhowro dhibaatada”

Wakaaladaha Wararka Caalamka ayaa sheegaya in dhimashado kor u dhaaftay 800, halka uu dhaawac sii marayo 672 qof, waxaana jirta casbi laga qabo in tiradu sii siyaaddo saacadaha soo socda.

Xarunta Cilmi-baarista Sayniska iyo Farsamada ee dalkaas ayaa sheegtay in  xoogga dhul-gariirku  gaaray 7 darajo cabbirka Richter.

Madaxa Machadka Geophysics-ka ee dalka Marooko  ayaa ku tilmaamay dhul-gariirkan kii ugu khasaraaha badnaa ee ka dhaca dalkaas muddo qarni ah.

Dhanka kale, Wakaalladda Wararka Marooko ayaa sheegtay in hay’adaha caafimaadku ugu  baaqeen muwaadiniinta inay ku deeqaan dhiig si loo badbaadiyo dadka ku dhaawacmay dhul-gariirka.

Dhul-gariirkaan ayaa sidoo kale sababay burburka guryo la degganyahay, masaajiddo iyo dhismayaal taariikhi ah oo ku yaal Koonfurta dalka Marooko.

Wasaaradda Arrima Gudaha dalkaas ayaa sheegtay in dowladdu dadaal badan ku bixineyso badbaadinta muwaadiniinta iyo wax u qabashada dadkii ku wax yeelloobay dhul-garaiirka, waxeyna ugu baaqday  muwaadiniinta inay  muujiyaan degganaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here