Saturday, July 27, 2024

Mareykanka: Awoodda dhaqaale ee Gobolka Texas

Texas (Dawan)- Waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka u dhaxeeya Gobolka Texas iyo Dowladda Federaalka ee Mareykanka kadib markii la isku fahmi waaayay maareynta tahriibayaasha iyo maamulka xuduudaha.

Gobolka Texas waxa uu ku yaal Koonfur Galbeed Mareykanka, waa Gobolka labaad ee ugu weyn kadib Alaska, iyo kan ugu dadka badan kadib California, waxaana lagu naaneysa Gobolka “Lone Star”, taas oo muujineysa inuu ahaa Gobol madax bannaan.

Gobolkan ayaa ka mid ahaan jirtay Mexico muddadii u dhaxaysay 1821 ilaa 1836, markii ay ku dhawaaqday madax bannaanideeda, waxaa aqoonsaday Mareykanka , iyo waddama Yurub ah sida Ingiriiska iyo Faransiiska, ilaa uu ku biiro Mareykanka 1845.

Maanta, Gobolka Texas waa uu xarun u yahay dhowr shirkadood oo waaweyn, sida ExxonMobil, AT&T, iyo Dell.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here