Saturday, July 27, 2024

UNRWA: Shaqadeenu waa inaan caawino 1.7 milyan oo ku sugan Gaza

Gaza (Dawan)- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee Falastiin (UNRWA) ayaa sheegtay in shaqada ugu weyn ee hay’addu ay ka waddo Marinka Gaza ay tahay inay taageerto 1.7 milyan Falastiiniyiin ah kuwaas oo ah barakacayaal ah.

Sidaas waxa lagu sheeggay warqad uu agaasimaha xafiiska UNRWA ee Washington, William Deere Arbacadii u diray, Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Agaasimaha waxa uu tilmaamay in hay’addu ay isku dayayso in ay caawiso 1.7 milyan qof oo barakac ah iyada oo loo marayo 154 xarumood oo ku yaala Gaza iyo nawaaxigeeda.

Waxa uu intaas ku daray in weerarada Israel ay saameeyeen xarumaha hay’adda ayna sababeen dhimashada 330 qof tan iyo 7-dii October.

William Deere waxa uu sheegay in aysan hadda ka jirin Marinka Gaza meel nabdoon, isla markaana aan la aqbali karin in Israa’iil ay beegsato xarumaha ay isticmaalaan dadka rayidka ah ee hoos yimaada UNRWA.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in deeqaha ay bixiyaan Mareykanka ama wadamada kale in aysan gacanta ku gelin kooxo aragagixiso ah, wuxuuna tilmaamay in uu jiro kormeer xooggan oo ku saabsan arrimaha deeqaha.

Agaasimaha xafiiska UNRWA ee Washington, waxa uu cadddeeyay in dhamaan shaqada Hay’adda ay u furan tahay Bulshada Caalamka gaar ahaan Hay’adaha Qaramada Midoobay, islamarkaana ay cid walba la socon karto sida ay u shaqeyso iyo goobaha ay ku bixiso deeqaha uga yimaada Dowladaha Caalamka.

Tan iyo 26-kii January , 18 waddan iyo Midowga Yurub ayaa go’aansaday inay joojiyaan dhaqaalihii ay siin jireen UNRWA, iyadoo lagu salleynayo eedeymaha Israel ee ah in 12 ka mid ah shaqaalaha hay’adda ay ka qaybqaateen weerarkii Xamaas ay ku qaaday deegaano ku dhaw Gaza 7-dii October, 2023.

Dalalkaas ayaa kala ah; Marrykanka, Canada, Australia, Japan, Talyaaniga, Ingiriiska, Finland, Jarmalka, Netherlands, France, Switzerland, Austria, Sweden, New Zealand, Iceland, Romania, Estonia, Sweden iyo Midowga Yurub. , sida ay sheegtay Qaramada Midoobay ilaa fiidnimadii Talaadada.

Go’aanka Dowladahan ayaa yimid saacado ka dib markii Maxkamada Caddaaladda Adduunka ay ku dhawaaqday inay diiday codsiga ay Israel ku dooneyso in la joojiyo dhegeysiga dacwada “xasuuqa” ee ay soo gudbisay Koonfur Afrika, iyada oo lagu amray Israel in ay qaado tillaabooyin lagu joojinayo xasuuqa iyo in ay ogolaato in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo Marinka Gaza.

UNRWA waxaa lagu aasaasay go’aan ka soo baxay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 1949-kii, waxaana loo igmaday inay gargaar iyo ilaalin siiso qaxootiga ku nool shan goobood oo ku kala yaal Urdun, Suuriya, Lubnaan, Daanta Galbeed, iyo Marinka Qaza, inta xal looga helayo arrimahooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here