Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo Switzerland oo xoojinya xiriirkooda diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku soo dhaweeyey Qasriga Madaxtooyada wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Waaxda Arrimaha Dibadda ee Switzerland, Ignazio Cassis.

Madaxweyne Geelle iyo Ignazio Cassis ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, dalxiiska, sayniska iyo sidoo kale iskaashiga nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Ignazio Cassis ayaa bartiisa X kusoo qoray ” Kulan mira dhal ah ayaan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Fursado rajo leh ayaa na sugeysa si aan usii xoojino, iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, cilmiga iyo diblomaasiyadda”

Booqashada Madaxa Waaxda Arrimaha Dibadda ee Switzerland oo ah safarkii ugu horeeyay ee xubin ka tirsan xukuumadda Switzerland uu ku tago dalka Jabuuti ayaa ka dhigan isbedel diblomaasiyadeed waxa ayna ka tarjumeysa rabitaanka labada dal ee ah horumarinta iskaashiga faa’iidada u leh labada dhinac, kaas oo ku salleysan dan wadaag, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jabuuti.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Safiirka Jabuuti u fadhiya Switzerland Marwo Khadra Axmed Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dal .

Dowladda Jabuuti ayaa dadaal badan ku bixisa adkaynta xiriirka saaxibtnimo ee kala dhaxeeya dalalka dunida , waxayna inta baan diiradda saartaa iskaashiga dhanka ganacsiga, maalgashiga, nabadda iyo xasiloonida.

Jabuuti waxa ay si firfircoon uga qayb qaadataa dadaallada nabadda iyo amniga Gobolka Geeska Afrika iyada oo sidoo kale aad ugu ololeysa xoojinta iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee dallaka Bariga Afrika.

Jabuuti waa dal yar oo dhaca Geeska Afrika ayna ku noolyihiin 1.1 milyan oo qof, kaas oo xornimada ka qaatay gumeystihii Faransiiska 1977.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here