Saturday, July 27, 2024

R/wasaaraha Falastiin oo istiqaalada xukuumaddiisa u gudbiyay Madaxweynaha

Al-Qudus (Dawan)- Ra’iisul wasaaraha Falastiin, Maxamed Shtayyeh, ayaa  istiqaalada xukuumaddiisa  u gudbiyay Madaxweyne Maxamuud Cabaas, isaga oo iscasilaaddiisa ku sababeeyay xaaladaha siyaasadeed,  amni iyo dhaqaale ee ka dhashay  dagaalka Marinka Gaza iyo xiisadda aan horay loo arag ee ka taagan Daanta Galbeed.

Waxa uu intaa ku daray in marxaladda soo socota loo baahanyahay in la mideeyo dadaaladda siyaasadeed iyada oo la tixgelinayo xaaladda ka taagan Marinka Gaza iyo baahida loo qabo in si deg-deg ah loo gaaro heshiis qaran oo meesha looga saarayo kala qeybsanaanta ka dhax jirta kooxaha Falastiinyiinta.

Ra’iisul Wasaaraha Falastiin oo la hadlayay Warbaahinta ayaa yiri, “Xukuumaadda aan hoggaamiyo waxay ku shaqeysay duruufo adag, waxayna la kulantay cadaadis iyo gardarro badan oo uga timid dhanka Gumeystaha”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu ballan qaaday in ay sii wadi doonaan ka hortagga dhul ballaarsiga ay Israel dooneyso iyo sidii loo dhisi lahaa Dowlad la aqoonsanyahay oo maamusha dhulka Falastiin.

Tan iyo 7-dii bishii October ee la soo dhaafay, ciidamada Israel ayaa dagaal ba’an ka waday Gaza, waxayna dileen in ka badan 29 kun, halka ay dhaawaceen in ka badan 69 kun oo qof.

Dagaalka Gaza ayaa sababay barakaca in ka badan 85% (qiyaastii 1.9 milyan oo qof) dadkii ku noola Marinka Gaza, sida laga soo xigtay xafiisyada Qaramada Midoobay ee Falastiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here