Saturday, July 27, 2024

Maxkamadda Adduunka oo go’aan kasoo saareysa dacwad ka dhanka ah Israa’iil

Hague (Dawan)- Maxkamadda Caddaaladda Adduunnka ayaa ku dhawaaqday in ay go’aan kasoo saari doonto Jimcaha soo socda dacwaddii ay Koonfur Afrika ka gudbisay Israa’iil.

Bayaan kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in duhurnimada Jimcaha lasoo saari doono go’aan ku saabsan dacwadda ay Koonfur Afrika ka gudbisay Israa’iil oo lagu eedeeyay in ay ku xadgudubtay heshiiskii Qaramada Midoobay ee ka hortagga ciqaabta iyo jirdilka ee 1948-kii, intii uu socday dagaalka Gaza.

Go’aanka waxaa ku dhawaaqi doonta Guddoomiyaha Maxkamadda Caddaaladda Aduunka, marwo Joan E. Donohue, sida lagu sheegay bayaanka.

Dowladda Koonfur Afrika ay dacwad ka gudbisay Israa’iil 29-kii December, ee sannadkii tegay, iyada oo ku eedaysay in ay ku xadgudbtay waajibaadka ka saaran ilaalinta Axdiga Xasuuqa, waxayna dalbatay in la qaado tallaabooyin looga hortegayo in xasuuq kale loo geysto dadka Falastiiniyiinta ah.

Koonfur Afrika ayaa ka codsatay Maxkamadda inay soo saarto sagaal go’aan oo ay ku jiraan in Israa’iil lagu amro inay si deg-deg ah u joojiso howlgallada militari ee Gaza, iyo inaysan qaadin tillaabooyin kale oo uga sii daraya xaaladda Marinka Gaza.

Sidoo kale, waxay Koonfur Afrika soo jeedisay in la qaado tallaabo kasta oo looga hortagayo xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta, in laga fogaado fal kasta oo ka soo horjeeda qodobka 2-aad ee Axdiga Xasuuqa, iyo in la hubiyo in dadkii barakacay ay dib ugu laabtaan guryahoodii ayna helaan gargaar bani’aadanimo sida cunto, biyo, shidaal, qalab caafimaad, hoy iyo dhar.

Koonfur Afrika waxa ay sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in la ciqaabo kuwa ku lugta leh falalka xasuuqa iyo in aan laga hor istaagin shaqaalaha caalamiga ah iyo mas’uuliyiinta kale inay galaan Gaza, si loo soo aruuriyo warbixino la xiriira waxa dhabta ah ee ka dhacay Gaza.

Tan iyo bishii October ee lasoo dhaafay, ciidamada Israa’iil waxa ay dagaal ba’an ku wadeen Marinka Gaza, waxaana lagu dilay dagaalkaas in ka badan 25 kun oo Falastiiniyiin ah halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 63 kun oo u badan carruur iyo haween.

Duqeynta iyo weerada Israa’iil ay ku hayso Marinka Gaza ayaa sidoo kale sababay burbur ballaaran iyo masiibo bini’aadantinimo oo aan hore loo arag, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here