Sunday, May 19, 2024

Loollanka Bangiyada Soomaaliya ee nidaamka lacag isu dirista Caalamiga ah

Muqdisho (Dawan)- Weji cusub ayaa ka billawday Soomaaliya, culeyso badan ayaana ka degay shirkadaha ganacsiga kadib 30 sano  oo ay la daala dhacayeen hab helista iyo diriska lacagaha Bangiyadeed.

Maamulaha Guud ee shirkadda Delta Cabdifataax Cabdiraxmaan, ayaa tilmaamaya in nidaamka premier bank ee  nidaamka lacag isu dirista Caalamiga ah wax weyn ka beddelay suuqa .

Waxaa is beddelay deg-degga aan ku heleyno lacagaha iyo qiimaha oo yar, waxaana helnay fursad uu ganacsigeena ku kobco” ayuu Cabdifataaax u sheegay Tv-ga Dawan.

Premier Bank ayaa hirgeliyay nidaamkii ugu degdegta badnaa ee lacag diris iyo helid bangiyeed ah ee abid ka hirgala dalka, kadib markii uu si rasmi ah ugu biiray bangiyada ka howlgala Bariga Afrika.

Leyla Muuse Ibraahim oo ah madaxa horumarinta ganacsiga Premier Bank ayaa sheegtay inay macaamiisha u keeneen adeeg degdeg ah oo xal u ah caqabado badan oo ay wajahayeen ganacsato badan.

Lacagaha loo diro dalka hooyo  ee maraya nidaamka Swift-ga Premier Bank ayaa hadda qaadanaya saacado kooban halka ay horay u qaadan jirtay muddo u dhaxeysa 5 maalin ilaa todobaadyo, waana adeeg uu la gaar yahay Premier Bank” ayay tiri,  Leyla Muuse Ibraahim, waxeyna raacisay.

Tallaabadan ayaa xal u noqoneysa caqabado ay wajahayeen ganacsatada soo dejinta iyo dhoofinta ku howlan, hay’adaha dowladda, hay’adaha aan dowliga ahayn ee gargaarka iyo horumarinta ka shaqeeya, shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ee mushaarka ku hela bangiyada, maalgashadeyaasha iyo qurbojoogta lacagaha badan u dira dalkooda.

Premier Bank Kenya ayaa si rasmi ah u shaqo billaabay June 2023 kadib markii uu la wareegay milkiyadda bangigii First Comuunity ee horay isku xiraha u ahaa adeegga swift-ga marinka lacagaha ku socoda iyo kuwa ka baxa Soomaaliya.

Arrinkaan ayaa marxalad cusub gelinaaya nidaamka lacag dirista iyo helista Bangiyadeed ee dalka.

Dowladda Soomaaliya waxey u aragtaa tallaabo karantiilka ka saareysa dalka.

Bangiyada Soomaaliya hore uma lahayn nidaamka Swift-ga laakin hadda waxa derbigaas dumiyay Premier Bank, waana ku garab taaganahay arrinkaas “ ayauu yiri wasiirka Gancsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid .

Bangiyada Soomalida ayaa inta badan adeegsada marino Bangiyo kale si ay lacagaha ugu soo diraan Soomaaliya, taas oo saameyn ku leh waqtiga, qiimaha adeega iyo caqabado kale oo ay ka mid tahay inaysan Soomaaliga soo gaarsiin karin lacago aan doollar ahayn.

Arrinkaan ayaa la aaminsanyahay inuu furaayo tartan cusub oo Bangiyadu isagu fidinayaan dunida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here