Saturday, July 27, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Halkaan kala soco wararka dunida oo kooban, adiga oo faahfintana ka heli kara bogaga aan ku leenahay Baraha Bulshada ee Dawan TV.

Masar

Madaxweynaha talada  haya ee Masar, Cabdifataax Al-Siisi ayaa loo doortay markii seddexaad inuu Madaxweyne sii ahaado ilaa 2030-ka, sida uu Guddiga Doorashooyinka dalkaas ku dhawaaqay, Isniiniti.

Gaza

Ugu yaraan 19,453 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Marinka Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin,  Isniintii.

Israa’iil

Haweeney u dhalatay Israa’iil oo ka mid ahayd dadkaii lagu sii daayay isdhaafsiga maxaabiista  Israa’iil iyo Xamaas ayaa sheegtay in hooyadeed ay geeriyootay iyadana dhaawac soo gaaray  kadib markii ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen gaarigii ay  Xamaas ku qaaday markii ay qabsadeen.

Masar ayaa diiday in ciidamo isku dhaf ah oo Masar iyo Israa’iil ah la geeyo cidhifka Philadelphia ee u dhow xadka Marinka Gaza, sida ay sheegtay Warbaahinta Israa’iil.

Mareykanka

Maamulka Biden ayaa kor u qaaday walaaca uu ka qabo Israa’iil ka dib markii mid ka mid ah ciidamada wax toogta ee Israa’iil uu si bareer ah u dilay gabar iyo hooyadeed gabbaad ka dhiganayay Kaniisadda Kaatooligga ee Gaza, sida laga soo xigtay Aqalka Cad.

Koonfur Afrika

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa mar kale ku baaqay in xabbad joojin joogta ah laga hirgeliyo Gaza, isaga oo ku tilmaamay weerarka Israa’iil ay ka waddo Gaza mid Xasuuqa ah.

Ciraaq

Dadka Ciraaqiyiinta ayaa Isniintii u dareeraray goobaha cod bixinta doorashada Golaha Gobolada  kadib toban sano oo  hakad la geliyay doorashooyinka.

Shiinaha

Ugu yaraan 118 qof ayaa ku dhimtay dhul-gariir cabirkiisu yahay 6.2 oo ku dhuftay Waqooyi-Galbeed ee Shiinaha, sida ay sheegtay wakaaladda Wararka ee Xinhua, maanta oo Talaadado ah.

Rwanda

Shirkadda BioNTech ayaa Caasimadda Rwanda ee Kigali ka daah furtay xarunteedi  ugu horreysay ee wax soo saarkeeda Isniintii, taas oo qaabilsan in Qaaraddu hesho tallaallada la isku halleyn karo ee mRNA si loo xaqiijiyo u sinnaanta helidda tallaalada.

Brussels

Golaha Midowga  Yurub ayaa Isniintii ku dhawaaqay inay bilaabeen baaritaan rasmi ah oo ka dhan ah Madasha  Warbaahinta Bulshada ee  loo yaqaano X taas oo ku saabsan faafinta iyo ka badbadinta waxyaabaha sharci darrada ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here