Saturday, July 27, 2024

Tayeynta waxbarashada DDS oo laga shiray

Jig-jiga (Dawan)- Shirweynaha 32-aad ee Waxbarashada Heer Deegaan ayaa lagu qabtay madasha kulamada ee Machadka Maareynta iyo Adeegga Shacabka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Shirkaan oo halku-dhig looga dhigay “Tayeynta waxbarashadu waa taabo-gelinta horumarka” ayaa lagu lafa guraya sidii sare loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada ee Dowlad Deegaanka.

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo hiigsaneysa kor u qaaddida iyo tayaynta adeegga waxbarashada ayaa dhawaan ansixisay qorshayaal muhiim u ah manhajyada ay aradaydu wax ku baranayaan iyada oo Dugsiga Dhexe laga dhigay in ardaydu ay wax ku bartaan luqadda English-ka.

Magaalada Jig-jiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaaliada ayaa dhamaadkii bishii tagtay martigelisay Shirweynaha 32-aad ee Waxbarashada dalka Itoobiya.

Shirkaas ayaa looga dooday kor-u-qaaddida tayada waxbarashada, soo saarista cududa waxbaratay, daryeelidda macalimiinta, wacyi-gelinta bulshada ee dhanka waxbarashada iyo baahinta manhajka ardayda.

Kaliya 3% ardayda dhigata Dugsiyada Sare ee Itoobiya ayaa baasay imtixaanaadkii sannadakaan ay galeen si ay ugu gudbaan Jaamacadda iyo Waxbarashada sare, waxaana ka dhashay dood iyo hadal hayan keentay in baaritaan lagu sameeyo hannaanka waxbarashada dalkaas.

Macluumaadka aan helnay, waxa ay muujinayaan in Ardaydii sannaddkaan u fadhiisatay imtixaanka Dusigsa Sare ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ay gaarayeen ilaa 22,000, waxaana gudbay oo kaliya 74 arday.

Sida laga soo xigtay UNICEF, Itoobiya waxay samaysay horumar weyn oo xagga waxbarashada aasaasiga ah ee caalamiga ah sannadihii u dambeeyay, iyadoo 88.7% carruurta waddanku ay galeen Dugsiga Hoose sannad dugsiyeedkii 2021-2022.

Iyada oo sidaas ay tahay ayaa hadana waxaa jira caqabad kale taas oo ah in ardaydaas aysan sii wadanin waxbarashadooda Dugsiga Sare ilaa Jaamacadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here